Mareykanka oo dalkiisa ka masaafurinaya ku dhawaad 5 kun oo Somali ah

Mareykanka oo dalkiisa ka masaafurinaya ku dhawaad 5 kun oo Somali ah19 April 2017

Mareykanka ayaa shaaciyay in Somaliya ay dib ugu soo celinayaan muwaadiniin badan oo Somali ah, kuwaasi oo qaarkood sharcidaro ku jooga dalka Mareykanka, halka kuwa kalena ay galeen dambiyo kala duwan. 

Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka ayaa sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa. 

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in Somaliya ay ku celiyeen 237 ruux oo muwaadiniin Somaliyed ah. 

Safiirka Somaliya ee dalka Mareykanka Axmed Cawad, ayaa horay u sheegay inay hayaan xog ku saabsan in Mareykanka uu dalkiisa ka masaafurinaayo Somali gaareysa 4-kun. 

Afhayeenka ICE ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay ICE sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha.

Comments