Banaanbax looga soo horjeedo xariga Agaasimaha Isbitaalka Jowhar oo ka dhacay Magaaladaas

Banaanbax looga soo horjeedo xariga Agaasimaha Isbitaalka Jowhar oo ka dhacay Magaaladaas19 April 2017

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo xariga Maamulka Hirshabelle uu u gaystay Agaasimaha Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad.

Xasan Mahad ayaa la sheegay xalay ciidamo ka tirsan Maamulka Hirshabelle inay kala baxeen gurigiisa, kadibna ay xireen, waxaana Banaanbaxan uu ahaa mid lagu dalbanaayay in la sii daayo Xasan Mahad.

Shacab careysan ayaa taayaro ku dhex gubay Magaalada gudaheeda, kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Maamulka Hirshabelle.

Bulshada Magaalada Jowhar ayaa dalbatay in la sii daayo Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Jowhar, si uu bulshada hawlihii uu u hayay ugu sii wado.

Maamulka Hirshabelle ayaa la shegay inuu ku amray Isbitaalka Magaalada Jowhar oo ay maamusho Hay'adda Intersos inuu halkaasi ka guuro.

Isbitaalka Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku tiirsan bulsho badan oo reer Jowhar ah, kuwaasi oo daryeel caafimaad ka hela Isbitaalka.

Comments