Tirada dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka Degmada Buuhoodle oo gaartay 400 ruux (SAWIRRO)

Tirada dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka Degmada Buuhoodle oo gaartay 400 ruux (SAWIRRO)19 April 2017

Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ridanaayo xanuunka Shuban biyoodka oo ka dilaacay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer iyo deegaano badan.

Isbitaalka Degmada Buuhoodle ayaa lagu soo waramayaa inay hadda jiifaan dad tiradooda ay gaareyso 400 oo caruur u badan, waxaana walaac laga muujinayaa in xanuunka shuban biyoodka uu sii faafo.

Dhaqaatiir ka timid dhanka magaalada Hargaysa ayaa ka hawlgaleysa Isbitaalka Magaalada Buuhoodle, kuwaasi oo la tacaalayaa bukaanada Isbitaalka ku jira.

Shalay dadka tiradooda waxa ay mareysay 354 ruux oo shubanka uu soo ritay, balse saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa isbitaalka la jiifiyay tiro dad kale ah.

Dadka reer Buuhoodle, ayaa xilligaan u baahan helida gargaar dhanka caafimaadka ah, si loola tacaalo nolosha caruur badan oo halis ku jirta. 

14925900713b240.jpg

1492590074dc724.jpg

14925900769926b.jpg

149259008542ac8.jpg

14925900887f035.jpg

149259009153323.jpg

Comments