Booliska oo xiray 210 qof oo ka mid ah dadkii bannaanbaxa ka dhigay Nairobi
Dadweyne fara-badan ayaa maanta isugu soo baxay afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Kenya, iyagoo ka carreysan canshuurta cusub ee ay dowladda dalkaasi soo rogeyso.
Dowladda Kenya ayaa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeedka kordhinta cashuuraha, kaas oo muran badan ka abuuray dalkaasi.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa si adag uga horyimid qorshaha ay dowladdu ku dooneyso in lagu sameeyo canshuur kordhinta.
Mudaaharaadkan oo loogu magac-daray (Qabsashada Baarlamaanka) ayaa yimid, ka gadaal markii barraha bulshada dadka lagu la wadaagay in ay isugu soo baxaan Xarunta Baarlamaanka, si aqlabiyadda Baarlamaanka ee Xisbiga Madaxweyne William Ruto loogu cadaadiyo inaysan ansixin sharciga cusub ee canshuur kordhinta.
Ciidamada Booliska ayaa sunta dadka kaga ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha ka soo horjeeda sharciga cusub ee maaliyadda ee lagu soo kordhiyay canshuurta.
Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay in ciidamadu ay xireen 210 qof, oo ay ku jiraan saxafiyiin iyo kormeereyaal ka tirsan kooxaha xuquuqul insaanka.
Hay'adda Amnesty International ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo indha indheynayay xaaladda ay ciidamadu xireen.
"Waxaan dalbanaynaa in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo dhammaanba dibadbaxayaasha iyo dadka kale ee goobjoogeyaasha." Ayay tiri Amnesty International.
Taliyaha Booliska Nairobi, Adamson Bungei ayaa sheegay inaysan jirin cid loo fasaxay inay mudaaharaad ka sameyso Caasimadda Nairobi.
"Xaqa mudaaharaad nabadeed waa mid damaanad qaadaya Dastuurka Kenya, laakiin qaban-qaabiyeyaasha ayaa laga rabaa inay booliska ku soo wargeliyaan, ka hor inta aysan bannaanbaxa sameyn. Boolisku guud ahaan waxay bixiyaan fasaxa, illaa ay jiraan walaacyo amni." Ayuu yiri Taliyuhu.
Dhanka kale gadoodka ay dadweynuhu sameeyeen ayaa horseeday in durbaba la laayo qaar ka mid ah canshuur kordhintii la soo jeediyay, oo ay ka mid yihiin canshuuraha lagu soo rogay raashiinka quutul daruuriga (Sida burka) iyo adeegga lacagaha la isaga diro teleefanada gacanta, oo Dowladda Kenya ay dooneysay in lagu kordhiyo canshuur dhan boqolkiiba lix iyo toban (16%). Qorshaha ayaana ahaa in Baarlamaanka uu meelmariyo hindise sharciyeedkan, ka hor 30-ka bishan June.
Horaan, Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa canshuur kordhintan u sababeeyay qorshaha qaran ee ay dowladdu ku dooneyso inaanan lagu soo tiirsanaan amaahda dibadda iyo sidii loo bixin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka.
Kenyanka ayaa markii horeba ka cabanayay sicir bararka baahsan ee muddooyinkanba ka jiray suuqyada dalkaasi, canshuur kordhintanina waxay ku sheegeen mid kaga sii dareysa xaaladdooda nololeed.
Ka dib doorashadii Madaxweyne Ruto ee sanadkii 2022, dowladdiisa ayaa soo rogtay canshuur ay dadku u arkayeen mid xad dhaaf ah, carro xoog lehna ay ka muujiyeen.
Canshuur kordhintii la sameeyay sanadkii hore ee 2023 ayaa keentay dibadbaxyo ay soo abaabuleen siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoona isku dhac dhex maray Ciidamada Booliska iyo dibadbaxayaasha ay ku dhinteen tiro dad ah.