Burbur weyn oo maanta gaaray Isbitaalka Guud ee Laascaanood

Madaafiic maanta siyaabooyin kala duwan ugu dhacay Isbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood ayaa sababay burbur weyn oo soo gaaray qaybihii isbitaalkaasi.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya burbur baahsan oo isbitaalkaasi ka soo gaaray madaafiicda.

Dr. Axmed Cabdirisaaq Axmed oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka Guud ee Laascaanood ayaa faah faahiyay waxyeelada ka dhalatay madaafiicdaasi.

"Maanta illaa afar jeer baa madaafiic kala duwan ay ku soo dhaceen isbitaalka, iyagoo khasaare weyn u gaystay qaybtii shaybaarka gebi ahaantiisa, sidoo kale waxay burburiyeen qalabkii inoo yaalay qaybta dhiigga bankiga, qaybtii carruurta iyo qaybtii ay inoo jiifeen dadka qaliimada ahi." Ayuu yiri Dr. Axmed Cabdirisaaq.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Waxaana dhaawac soo gaaray shaqaalihii inooga shaqeynayay qaybahaas iyo waxyeelo kale oo ka soo gaartay dadkii dhaawaca ahaa ee inoo yaalay qaybta la dhigo bukaanada qaliinka lagu sameeyo."

Dr. Axmed Cabdirisaaq ayaa yiri "Madaafiicda waxay ku dhaceen afar meelood oo kala duwan oo qayb kasta ay meel ku taalo. Madfacii afaraad waxa uu naga burburiyay laba ambulance oo taangiyadoodii uu ku dhacay, oo hadda saddex ambulance oo isbitaalka u shaqeynayay ay laba ka mid ah ay saas ku fadhiyaan."

Dr. Axmed Cabdirisaaq ayaa khasaaraha nafeed ee duqayntaasi ka dhalatay ku sheegay "Hal qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca sideed qof oo shaqaalihii isbitaalka iyo dadkii kale isugu jira."

Waxa uu sheegay in colaadda ka aloosan magaalada ay si weyn u saameysay howlihii shaqo ee isbitaalkasi, isaga oo xusay in laba shaqaale ay dagaalkan uga dhinteen, dhowrka toddobaad ee magaaladu ka socdo.

Duqayntan ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ay maalintii 23aad ku dagaalamayaan bannaanada magaaladaasi.