Buundada Baardheere oo qarka u saaran in ay go'do
Xaalad adag ayaa ka jirta Degmooyinka Gobolka Gedo ee Webiga Jubba uu maro, xilligan oo gobolkaasi ay ka da'ayaan roobab mahiigaan ah.
Degmada Baardheere oo kale daadad xoogan oo ku soo rogmaday ayaa keentay in webiga uu si weyn ugu fataho xaafadaha magaalada, oo dadku ay ka barakaceen.
Qoysaska ayaa maalmahaanba ka barakacayay xaafadaha ku dhow dhow webiga jiinkiisa iyo halka uu maro toga weyn ee dhinaca ka mara magaalada, waana xilli ay dad badani ku dhinteen fatahaadihii horaantii sanadkan ka dhacday magaaladaasi.
21 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ayaa ku geeriyooday daadadkii iyo fatahaadihii bishii March halakeeyay magaaladaasi, kana dhashay roobab mahiigaan ahaa, oo xilligaasi ka da’ay gobolka.
Buundada Baardheere waxaa la sheegaya in ay qarka u saaran tahay in ay go'do, iyadoona biyuhu ay ka sare mareen buundadaasi. Muuqaalo goobtaasi laga qaaday ayaa muujinaya biyaha oo dul maraya buundada.
Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) oo ku sugan Degmada Baardheere ayaa walaac ka muujiyay biyaha sii kordhaya ee halkaasi ka jira.
Buundadan ayaa dhawaan dayactir lagu sameeyay, ka dib muddo dheer oo sida la sheegay aan wax dayactir ah lagu samayn. Buundadu waxay muhiim u tahay isu socodka bulshada iyo ganacsiga gobolkaasi.
Waxaa xusid mudan in gebi ahaanba uu istaagay ganacsigii ka jiray magaalada, ka dib markii suuqii weynaa ee Baardheere uu ku xirmay daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday, oo magaalada u bedelay goob cidlo ah. Inta badan dadka reer Baardheere ayaa u barakacay dhulka taagga ee ka fog magaalada.
Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi), Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo ayaa sheegay in dadka ka barakacay magaalada ay wajahayaan xaalad adag oo nololeed.
"Wax ganacsi oo cunto ah oo dadkaasi u iman karo ma jiro, waddooyinkii oo dhan way xiran yihiin. Dadka gobolkan waxay wax uga iman jireen Muqdisho iyo Kismaayo, labadaasi meeloodna wax baabuur ah oo dhaqdhaqaaqi karo ma jiraan." Ayuu yiri Gudoomiye Al-Qaadi.
Al-Qaadi ayaa ku baaqay in la helo diyaarado iyo doomo gurmadka bani'aadanimo lagu gaarsiiyo dadkaasi oo ku sugan goobo ka durugsan magaalooyinka.
Somaliya ayaa dhibane u ah saameynta isbedelka cimilada, oo sababtay in dalka ay ka dhacaan abaaro is dabajoog ah iyo fatahaado soo noqnoqday.






