Ciidamada Galmudug oo la wareegay amniga deegaanka Xananbuure

Ciidamada amniga Galmudug ayaa si buuxdo ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmahaanba ay isku horfadhiyeen laba maleeshiyo beeleed.

Maleeshiyadan oo ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayay dhowrkii sano ee ugu dambeysay colaadoodu ku soo noqnoqotay deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa soo saaray awaamiir ay ku sheegayaan inaanan wax hub ahi lagu dhex qaadan karin deegaankaasi, marka laga soo taggo ciidanka ka shaqeynaya arrimaha nabadgelyada. 

Xananbuure oo hoostagta Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo waxgarad ka soo kala jeeda labadaasi magaalo, iyaga oo ka shaqeynaya xal u helidda colaadda beelaha.

Colaadda beelaha deegaanka ayaad mooddaa in ay ku soo badaneysay Xananbuure, tan iyo markii meesha laga saaray Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.