Ciidanka Birmadka oo ka shaqo bilaabay nawaaxiga Magaalada Baydhabo
Ciidnka Birmadka ee Koonfur Galbeed ayaa maanta hawlgalkii ugu horreyay ka bilaabay deegaanada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, si khatarta looga fogeeyo magaaladaasi.
Ciidanka Birmadka ayaa ah ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si ay gacan uga gaystaan dadaalada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo.
Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa 17-kii bishan Gaashaanle Maxamed Xasan Aadan u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Birmadka.
Inkasta oo ciidamadan ay yihiin ciidamo gaar ah oo xilli ay duruuf amni jirto la aasaasay ayaa waxay haddana ku xuquuq yihiin Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, wuxuuna askariga Birmadka ah uu qaadanayaa garaamka uu leeyahay askariga ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed.
Ciidamadan ayaa waxay caawinayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Polizia Militare ee ilaaliya amniga kontoroolada laga soo galo Magaalada Baydhabo, si meesha looga saaro weerarada ciidamada taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay toddobaadyadii u dambeeyay ka gaysanayeen kontoroolada Baydhabo.
Xoogaga Birmadka ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanada Garas Gawaan, Gasarta iyo Garneel oo hoostaga Baydhabo, iyadoona uu hawlgalku sii socon doono.
Ciidamada ayaa qaab koox koox ah uga hawlgelaya deegaanada ka baxsan magaalada, waxayna u diyaarsan yihiin inay ka hortaggaan weerarada ka dhanka ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in fekerka lagu shaqaaleysiiyay Ciidanka Birmadka uu leeyahay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, si ay kordhin cusub ugu noqdaan Ciidamada Qalabka Sida, inkastoo Wasaaradda Gaashaandhiga aysan warkaasi xaqiijin.
Dowladda Federaalka ayaa ciidamada taageersan Laftagareen ku tilmaamay in ay yihiin Shabaab kalkaal iyo in sidooda oo kale loola dagaalami doono. Ciidamadan ayaa ka biyo diidan tallaabada awoodda looga tuuray Madaxweyne Laftagareen.
Hawlgalka laga bilaabay bannaanada Baydhabo ayaa imanaya, ka dib markii Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale uu Sabtidii xilka la wareegay.
Taliyaha ayaa sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadka qaran ee loo igmaday ay wax ka qaban doonaan, waxa uu ku sheegay kooxaha nabadiidka.















