Ciidanka Booliiska dagmada Dayniile oo gacanta ku dhigay saddex nin oo Shabaab ah oo bajaaj ku watay qori RBG ah

Ciidanka Booliiska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo watay hub.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lasoo qabtay raggaan iyagoo moota Bajaaj ku watay Qori RBG ah, oo la sheegay inay damacsanayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay howlgal ka dhacay degmada Dayniile, waxayna kusoo aaday qabashadooda labo maalin kadib markii ciidanku sidoo kale soo qabteen hub iyo waxyaabo qarxa oo lagu qabtay degmada Hodan.

Booliiisku waxay qabteen hubkaas oo lagu rarayay gaari Hoomeey ah iyo raggii gacmaha kula jiray.

Booliisku waxay sheegeen in hubkan loo adeegsan lahaa in weerar lagu fuliyo, balse ay ka hortageen.