Dacwad Oogaha Maxkamadda ICC oo ku celiyay in la soo xiro Netanyahu

Dacwad Oogaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC, Karim Khan ayaa ugu baaqay Garsooreyaasha Maxkamadda ICC inay go'aan ka gaaraan waarankii uu soo saaray 20-kii bishii May ee ku aaddanaa in la soo xiro Madaxda Israel iyo Xamaas.

Dacwad Oogaha Maxkamadda ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca, Yoav Gallant ku eedeeyay in ay dembiyo dagaal ka gaysteen Marinka Gaza.

Dacwad Oogaha ayaa sheegay in dib u dhac kasta oo bilaa sabab ah ee dacwadda ay si xun u saameynayso xuquuqda dhibaneyaasha.

Karim Khan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda ICC ayaa Garsooreyaasha Maxkamadda ku booriyay in ay go'aan ka gaaraan waaranka soo qabashada.

Xeer Ilaaliyaha ayaa xareeyay warbixin uu ugu jeedinayo guddi ka kooban xaakinada, si ay si degdeg ah uga soo jawaabaan codsigan.

Mr. Khan ayaa qaba in dembiyo ka dhan ah bani'aadantinimada ay ka dhaceen Marinka Gaza iyo koonfurta Israel, sidaasi daraadeedna uu codsanayo in la soo xiro Netanyahu, Wasiir Gallant iyo Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Yahya Sinwar.

Khan ayaa horey u soo saaray waaran lagu soo xiri karo Netanyahu, Gallant, Sinwar, Ismail Haniyeh iyo Mohammed Deif, balse Ismail Haniyeh ayaa 31-kii bishii July lagu dilay dalka Iran, iyadoona Israel ay 13-kii July ku dhawaaqday in Mohammed Deif ay ku dishay duqayn ka dhacday koonfurta Marinka Gaza.

Khan ayaa bishii May sheegay in saddexda nin ee reer Falastiin ay galeen dembiyo dagaal, intii uu socday weerarkii aan horey noociisa loo arag ee Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Israel oo ku andacooneysa in weerarkii October 7-deedii lagu dilay 1,200 oo Israeliyiin ah ayaa taasi bedelkeeda waxay weli xasuuq aan dhammaad lahayn ay ka wadaan Marinka Gaza.

Tan iyo 7-dii October, ugu yaraan 40,334 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka in ka badan 93,356 kalena lagu dhaawacay, sida ay maanta xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Israel ayaa gebi ahaanba maxkamadda ku gacan seyrtay in ay dembiyo dagaal ka gaysatay Marinka Gaza iyo in dagaalkeeda uu baalmarsan yahay shuruucda caalamiga ah.

Dembiyada ka dhacaya Marinka Gaza ee sida tooska ah looga daawanayo barraha bulshada ayaase marqaati ugu filan eedeymaha loo haysto Madaxda Israel.

Dagaalkan ayaa suurad xumeeyay muuqaalkii Israel ee dunida, marka aad eegto sida naxariis darrada ah ee ay ciidamadeeda u bartilmaameedsanayaan shacabka aan hubeysneyn, kaabeyaasha rayidka iyo goobaha kale ee dagaalada ka caagan.

Dembiyadan ayaa ka carreysiiyay bulshada caalamka, waxayna soo dedejiyeen in Israel lagaga kaco dalalka reer galbeedka oo si weyn ay taageeradooda ugu tiirsan tahay.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa 28-kii bishii May aqoonsaday Dowladda Falastiin. Slovenia ayaa iyana maalmo ka dib ku dhawaaqday aqoonsigeeda Dowladda Falastiin.

Reer Yurub ayaa Dowladda Falastiin u aqoonsanaya in la helo amni, xasillooni iyo caddaalad, taas oo fure u ah in la soo afjaro gumeysiga, lana helo laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Netanyahu ayaa wacad ku maray in muddada uu joogo xafiiska aanu aqbali doonin aasaaska Dowladnimada Falastiin.