Dagaalka Xisbullah iyo Israel oo u muuqdo mid xoogeysanaya

Colaadda ayaa si degdeg ah ugu baaheysa labada dal, waana dagaalka ay baaxaddiisa ku lug leeyihiin Ciidanka Cirka Israel.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqaymo baahsan ka gaysanaya koonfurta dalka Lubnaan, halkaas oo dadkii deganaa lagu khasbay in ay ka barakacaan. Illaa iyo hadda 90 kun oo dadka reer Lubnaan ah ayaa lagu riixay inay u cararaan dhanka Caasimadda Beirut.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay beegsanayaan xarumaha Ururka Xisbullah, isla-markaana ay maanta oo keliya duqeeyeen in ka badan 100 bartilmaameed oo Xisbullah ah.

Xoogaga Xisbullah ayaa iyana boqolaal gantaalo ah ku garaacaya waqooyiga Israel, waxayna maanta markii ugu horreysay ay gantaal ballaastik ah ku weerareen Magaalada Tel Aviv.

Xisbullah waxay sheegtay inay beegsatay Xarunta Hay'adda Sirdoonka Israel ee Mossad ay ku leedahay duleedka Tel Aviv. Militariga Israel ayaase sheegay in ay ka hortaggeen gantaalkaasi.

Xisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weerareyso oo keliya xarumaha ciidamada, isla-markaana ay ka fogaaneyso waxyeeleynta dadka rayidka ah iyo dhismayaasha la degan yahay.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay in 23 qof ay dhinteen, 95 kalena ay ku dhaawacmeen weeraradii maanta ay Israel ka gaysatay dalkaasi.

Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in tan iyo Isniintii ay 600 oo qof ku dhinteen, in ka badan 2000 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha Israel. Dhammaan dadkan waxaa la sheegay inay shacab yihiin.

Firass Abiad, Wasiirka Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegay in waxa ka socda dalkiisu aanu ahayn dagaal, balse uu yahay xasuuq ay Israel u gaysaneyso shacabka aan hubeysneyn.

Wasiirka ayaa Israel ku eedeeyay in ay si ula kac ah u beegsaneyso dadka rayidka ah, isagoona cambaareeyay ficiladeeda.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk oo walaac ka muujiyay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Israel ayaa sheegay in ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant iyo Taliyaha Ciidamada, General Herzi Halevi ayaa ku hanjabay in ay sii socon doonaan duqaymaha ka dhanka ah Xisbullah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Israel ku booriyay in ay diiradda saarto wada-xaajood diblomaasiyadeed, halkii ay kordhin lahayd dagaalka ay kula jirto Xisbullah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Washington ay aad uga walaacsan tahay in colaadda labada dhinac ay gobolka ku jiiddo isku dhac ballaaran, taas oo khatar gelinaysa Ciidamada Mareykanka ka jooga Bariga Dhexe.

Khubarada militariga oo kuwa Mareykanka ay ku jiraan waxay hadda ka digayaan in colaadda aanay ku koobnaan doonin Xisbullah, isla-markaana ay gurmad xoog leh ka heli doonto ururada kale ee hubeysan ee gobolka iyo welibana dad is xilqaamay oo ka carreysan habdhaqanka Israel.

Inkastoo la aaminsan yahay in Israel aysan dooneyn dagaal dhinaca dhulka ah oo Xisbullah ay la gasho ayaa waxaa haddana muuqata in ay diiradda saareyso in dhanka cirka ay ka naafeyso cududda militari ee Xisbullah.

Kororka rabshadaha u dhaxeeya Israel iyo Xisbullah ayaa si weyn looga dareemay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.