Faahfaahino kasoo baxaya dil qorsheysan oo Muqdsho loogu geystay laba wiil oo dhalinyaro ahaa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo Xalay Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho loogu geystay laba wiil oo dhalinyaro ahaa, islamarkaana ay lagu dhaawacay laba kale.

Labadaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay in koox hubeysan ay ku dhex toogteen meherad yar oo ku taala Isgoyska Fagax, iyadoo kooxdii dilka geysatay oo bastoolado ku hubeysna ay si deg deg ah uga baxsadesn goobta.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in meherada lagu dilay wiilasha dhalinyarada ah lagu iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya, islamarkaana lagu isticmaali jiray, waxaana goor dambe goobta lagu dilay labada wiil gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaas iyo baaritaanka ay sameeyeen.

Dilkaan loo gsyatay labadaan dhalinyarada ah labada kalana lagu dhaawacay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ay ka bilaabi doonto howlgal nooc cusub ah oo lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa ciyaal weerada ee dhibaatada ku haya shacabka caasimadda, waxaana kooxdu shalay ay sheegtay iney habeen hore gudaha magaalada Muqdisho ku dishay ninkii ugu weyna dadka iibiya waxyaabaha maanka dooriya.