Fatahaadda Webiga Shabelle oo looga barakacayo Degmada Mahadaay

Webiga Shabelle oo maalmihii ugu dambeysay bilaabay in uu ku fataho Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa qoysas qaar ku khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Roobka dayrta oo dhawaan ka curtay gobolka ayaa horseeday in xaddi badan oo biyo ah ay ku soo hooraan webiga, waxayna tani waddo u furtay in webigu uu fatahaado ka gaysto degmadaasi.

Dadka ka barakacaya degmada waxaa lagu sheegay kuwo ay guryahooda biyaha ugu soo galeen.

Webiga Shabelle oo mara Degmada Mahadaay ayaa sidoo kale ku fatahaya deegaanada hoostagga degmadaasi.

Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Jimcihii kormeer ku tegay xaafadaha degmadaasi, iyagoo u kuurgelayay xaaladda degmada.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay, Saalax Axmed Abuukar oo ka hor hadlayay Wasiirada iyo Xildhibaanada booqday degmadaasi ayaa sheegay in fatahaaddu ay si weyn u saameysay degmadiisa.

"Mahadaay guud ahaan fatahaadaa saameysay." Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Mahadaay, isagoo intaasi ku daray in masuuliyiinta ay indhahooda ku soo arkayn heerka ay fatahaaddu gaarsiisan tahay. 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Hirshabelle, Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) oo Gudoomiyaha ka barbar hadlayay ayaa sheegay in xaalad aan caadi ahayn ay ku soo arkayn Mahadaay.

"Saddexda xaafadood ee Degmada Mahadaay, hadday noqon lahayd Kacaanka, Horseed iyo Venti Une, wax aan caadi ahayn ayaan ku soo aragnay." Ayuu yiri Wasiir Daqare.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cumar Maxamed Cumar (Cumar Gaabow) ayaa hay'adaha samafalka ugu baaqay in ay u soo gurmadaan dadka reer Mahadaay.

Webiga ayaa laga digaya in xilligan uu fatahaado ka gaysto degmooyinka kale ee gobolka, sida Jowhar iyo Balcad.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa ka digtay in khatarta ugu badan ay wajihi karaan dadka ku nool dhulka ay maraan Webiyada Shabelle iyo Jubba.

Digniinaha laga bixinayo roobabka mahiigaanka ee ka dhashay isbedelka cimilada ee ay sababtay duufaanta El Niño ayaa muujinaya in ay jiri karto khatar baahi karta oo dalka uu wajihi karo.