Frankie Leach: Weerarada Israel waxay halis ku yihiin sharciga caalamiga ah

Afhayeenka Hay'adda ActionAid UK, Frankie Leach ayaa si adag uga hadashay xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, ee ka dhalatay duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel halkaasi ka gaysanayaan.

Afhayeenka ayaa sheegtay in weerarada ay gaysanayaan Ciidamada Israel ay halis ku yihiin sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, marka aad eegto xadgudubyadooda ka dhanka ah dadka rayidka.

Waxay sheegtay in ay fahmi karto in Israel ay dooneyso in ay bartilmaameedsato kuwii ka dambeeyay weerarkii 7-dii bishii October lagu qaaday dhulka ay ka arrimiso, balse aysan taasi macnaheedu ahayn inay beegsato dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

"Haddii aan nahay dadka ku howlan arrimaha bani'aadantinimada, waxaan u hoggaansamaynaa shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada, shuruucdana waxaa ku jira inaadan dhimasho iyo dhaawac u gaysan karin rayidka, si aad guul uga gaarto dagaalka." Ayay tiri Frankie Leach.

Waxa kaloo ay tiri "Waxaan rumeysanahay in tani ay tahay xadgudub halis ah oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada."

Frankie Leach ayaa Hoggaamiyeyaasha Caalamka ugu baaqday in ay furaan wada hadalo, isla-markaana ay xaqiijiyaan inaanay dadka rayidka ka masuul ahayn weerarkii ay Xoogaga Xamaas ka fuliyeen dhulka la haysto.

"Waxa aan Hoggaamiyeyaasha Caalamka ka codsanayno ayaa ah inay furaan wada hadalo, ayna xaqiijiyaan inaysan dadka shacabka ah masuul ka ahayn weerarkii Israel lagu qaaday, si la mid ah sida aan annaga u fileynin in dadka rayidka ah aysan masuul ka ahayn tallaabooyin ay qaadday dowladda ama urur argagixiso." Ayay tiri Frankie Leach.

Haweeneydan ayaa sheegtay in dadka Gaza ee ka badbaada duqaymaha amaba ku dhaawacma ay u dhimanayaan cuntada oo aan ku filneyn iyo biyo la'aan.

"Haddii aaddan ku dhiman duqaymaha cirka oo aad ku dhaawacanto, waxaa laga yaabaa inaad ku dhimato isbitaalka, haddii aaddan ku dhiman isbitaalka, waxaa laga yaabaa inaad u dhimato gaajo, sababtoo ah ma jirto cunto ku filan oo dadku haystaan, xitaa haddii aad dhimato adigoo cunto kugu filan haysta, waxaa laga yaabaa inaad u dhimato biyo la'aan, maxaa yeelay dadku ma haystaan biyo ku filan." Ayay tiri Frankie Leach.

Hay'adda ActionAid UK ayaa barteeda X (Twitter) ku daabacday qoraal u dhignaa "Fowdada iyo argagaxa laga furay Gaza, waxay haweenka u saameeyaan siyaabo ba'an."

Israel ayaa lagu eedeeyay in ay mar kale Gaza ka jartay dunida inteeda kale, ka dib markii ay hawada ka saartay isgaarsiintii iyo khadka internet-ka.