Gabar Turkish American ahayd oo lagu dilay Daanta Galbeed ee Falastiin
Gabadhan oo 26 jir ahayd ayay Ciidamada Israel ku dileen Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, xilli ay Jimcahan ka qayb qaadaneysay dibadbax looga soo horjeedo is ballaarinta Israeliyiinta deegaameynta looga sameeyay dhulka ay Israel xoogga ku haysato.
Aysenur Ezgi Eygi oo Turkish ahayd, sidoo kalena haysatay dhalashada Mareykanka ayaa lagu dilay deegaanka Beita ee Magaalada Nablus.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay toogasho ku dileen gabadhaasi.
Taliska Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay eegayaan wararka sheegaya in qof ajnabi ahi uu ku dhintay rasaasta ay fureen ciidamadooda.
Gabadhan ayaa ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta, isla-markaana ka soo horjeeda deegaameynta cusub ee ay Israel ka waddo dhulka la haysto.
Mid ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa BBC u sheegay in markii ugu horreysay ay noqonayso oo Aysenur Ezgi ay ka qaybgasho mudaaharaad ay soo qaban-qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Wadajirka Caalamiga ah, oo ah koox taageerta Falastiin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa falkaasi ku tilmaamay mid naxdin leh, inkastoo aanu cambaareynin dilkeeda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa dhankiisa sheegay in Washington ay raadineyso xog dheeri ah oo ku saabsan xaaladda dhimashadeeda.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay rideen rasaas badan, intii uu dibadbaxa socday, ujeedkooduna uu u muuqday in ay joojiyaan dibadbaxa lagu taageerayo qaddiyadda qaranimada Falastiin.
Goobjooge Israeli ah ayaa Warbaahinta u sheegay in rasaasta ay madaxa kaga dhacday Aysenur Ezgi, daqiiqado ka dibna ay ku geeriyootay isbitaal deegaanka ku yaala oo la geeyay.
Dhakhaatiirta ayaa laga soo xigtay inay badbaadin kari waayeen gabadhaasi, ka dib markii isbitaalka lagu keenay gaari ambulance ah, iyadoo ay xaaladeeda liidato.
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa, xilli Ciidamada Israel ay maanta isaga baxeen Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed, ka dib toban maalmood oo hawlgal ballaaran ay ka wadeen.