Golaha Amniga Qaranka oo kulan ka yeeshay hubkii gacanta u galay shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta shir guddoomiyay kulan gaar ah, oo looga hadlayay hubkii dhawaan lagu boobay deegaanka Shiila-madow ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Hubkan oo sida la sheegay si sharci darro ah dalka lagu soo gelinayay, balse ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug ayay maleeshiyo hubeysani Isniintii ku weerareen Shiila-madow oo 20km jihada waqooyi galbeed kaga beegan Magaalada Caabudwaaq, iyadoona ay maleeshiyadaasi u suurtagashay inay la wareegaan gaadiidkii lagu waday hubkaasi, markii dambena ay shacabka u fasaxeen inay bililiqeystaan.

Kulanka Golaha Amniga Qaranka ayaa si dhow looga hadlay dhacdadaasi, iyadoona warbixino laga dhageystay hay'adaha ammaanka iyo La taliyaha Amniga Qaranka.

Geba-gabadii, golaha ayaa isku raacay qodobadan:-

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo, isla-markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukumadda, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka, Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga, Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, La taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka, Cabdixakiin Maxamed Yuusuf.