Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyay degmooyin cusub iyo Madaxweynaha oo xeer ku soo saaray degmooyin kale

Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa Sabtidii ansixiyay degmooyin cusub, oo golaha ay horkeentay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose, Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa golaha warbixin ka siiyay Dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka.
Wasiirka ayaa sidoo kale golaha la wadaagay Hindise Sharciyeed degmooyin cusub loogu aqoonsanayo deegaano soo buuxiyay shuruudihii degmonimo.
Golaha ayaa markii dambe cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowthar, Jawiil, Halgan, Jiliyaale iyo Ceel Cali, oo ka mid noqonaya Degmooyinka Hirshabelle.
Saddex ka mid ah degmooyinka la ansixiyay ayaa ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, halka saddexda kalena ay ka tirsan yihiin Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii xeer ku soo saaray in la dhaqangeliyo degmooyin hor leh.
Degmooyinkan ayaana kala ah:-
Gamboole
Farlibaax
Cali Gaduud
Moqokori
Raage Ceelle
Buq-aqable
Xawaadley iyo Buurweyn oo ka wada tirsan labada gobol ee Hirshabelle.


