Gudoomiye Macalimuu: Shabaabka laga soo saaray Gobolada Dhexe ayaa yimid Gedo

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay inay waddada xiriirisa Degmooyinka Doolow iyo Luuq ka sameysteen bar kontorool oo lagu canshuuro gaadiidka.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in maleeshiyadan ay yihiin kuwii dagaalka looga soo saaray deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

"Shabaab waxaa lagu qaaday hawlgal ballaaran oo ay qaadday Dowladda Somaliya, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu horreyo, dhulkii muhiimka ahaa ay ka joogeen Dowlad Goboleedyada Galmdudug iyo Hirshabelle oo dhan ayaa laga qabsaday. Marka Gobolka Gedo wax dagaal ah kama uusan socon, dhaawacoodii iyo gurmadkoodii oo dhan halkan ayuu ku soo uruuray." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshe la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro goobta ay kaga sugan yihiin waddada labadaasi degmo, oo uu ku sheegay halka loo yaqaano Geedweyne. Qorshaha socda ayuu ku qeexay mid guud ahaan gobolka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

"Annaga xagayaga hawlgalkii weli muusan bilaabanin, laakiin amarkiisa wuu baxay, mar dhow waxaan jacelnahay tallaabooyin adag in la qaadi doono, lagana waayi doono guud ahaan gobolka oo dhan, haddii Ilaahay raali ka noqdo." Ayuu yiri Macalimuu.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ciidamo u direen halka ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada labada degmo, balse ay waddadaasi ka taggaan, marka ay ka war helaan in ciidamada ku soo wajahan yihiin.

"Markuu ciidan maro waddada way ka taggayaan oo xogtuna way helaan markii ciidanku soo baxayaan, mana joogayaan oo laguma gaarayo." Ayuu yiri Macalimuu.

Macalimuu ayaa sheegaya in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan deegaanka Geedweyne, tani oo meesha ka saareysa in Shabaabku sii joogaan waddada Luuq iyo Doolow.

"Waxaan sameynaynaa talis guud ayaa waxaan ka dhigan doonnaa Geedweyne, sababtoo ah waxaa la go'aansaday in talis guud laga dhigo oo ciidamo la dejiyo, mar dhowna waan ka hawlgalaynaa." Ayuu yiri Macalimuu.

Macalimuu ayaa intaasi ku daray "Hawlgalka gobolka mar dhow ayuu bilaaban doonnaa."