Hay'adda UNHCR oo shaacisay tirada dadka ka cararay Lubnaan ee gaaray Suuriya

Madaxa Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in in ka badan boqol kun oo qof ay u qaxeen dalka Suuriya, iyagoo ka cararaya weerarada ballaaran ee ay Israel ka waddo koonfurta dalka Lubnaan.

Madaxa Hay'adda UNHCR ayaa sheegay in dadkan ay isugu jiraan Lubnaaniyiin iyo Suuriyaankii qaxootiga ku ahaa dalka Lubnaan.

"Dadkan waxay u badan yihiin muwaadiniin Suuriyaan ah oo ay la socdaan dad Lubnaaniyiin ah." Ayuu yiri Madaxa Hay'adda UNHCR.

Muwaadiniinta Suuriyaanka ah ee hadda dib ugu laabtay dalkooda ayaa horey magangelyo ugu raadsaday dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan, intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

1.5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa dib u dejin ka helay dalka Lubnaan, muddadii kooxaha hubeysan ay dagaalka kula jireen Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad.

Filippo Grandi, Madaxa Hay'adda UNHCR ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay ay aad u kordheen tirada dadka u cararaya dhinaca dalka Suuriya.

Shacabka faraha badan ee ka baxsanaya duqaymaha Israel ayaa la arkayaa iyagoo ka gudbaya kontoroolka Al Masnaa, oo ah kan ugu weyn ee la isaga gudbo xuduudda labada dal.

Toddobaadkii hore shacab fara-badan oo reer Lubnaan ah ayaa u cararay dhinaca Caasimadda Beirut, halkaas oo haatan aad arkeyso in Israel ay si weyn u garaaceyso, waana xilli duqaymaha ba'an Israel ay galeen toddobaadkii labaad.

Bilowgii duqaymaha Israel ee Beirut ayaa u muuqday kuwo goos goos ah, waana tan keentay in dadku intooda badan ay halkaasi u cararaan, balse wixii ka dambeeyay Jimcihi waxaad mooddaa in Israel ay diiradda saareysay Beirut.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa sheegay in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakaceen duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Israel.

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa ballanqaaday 100 milyan oo dollar, oo gargaar degdeg ah oo la siinayo shacabka Lubnaan.