Hoggaamiye ka tirsan Ururka Xamaas oo lagu dilay dalka Lubnaan
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa xaqiijiyay in Israel ay weerar ku dishay hoggaamiyihii ugu magacawnaa dalka Lubnaan.
Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Fateh Sherif Abu El-Amin iyo xubno ka tirsan qoyskiisa lagu dilay duqayn ka dhacday magaalada koonfurta Lubnaan ku taala ee Tyre.
Xamaas ayaa sheegtay in Sarkaalkan lala dilay xaaskiisii, wiil iyo gabar uu dhalay, ka gadaal markii la bartilmaameedsaday hoygooda.
Militariga Israel ayaa qirtay in ay ka masuul yihiin hawlgalka lagu dilay Hoggaamiyihii Hawlgalada Xamaas ee dalka Lubnaan, ka dib weerar ay maanta ka fuliyeen dalkaasi.
Xamaas ayaa waxaa dalka Lubnaan ka jooga xoogag Falastiiniyiin ah oo iyaga taabacsan, kuwaa oo ka barbar dagaalama Xoogaga Ururka Xisbullah.
Falkan ugu dambeeyay ayaa muujinaya, sida Israel ay u ballaarineyso weerarada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedsaneyo Saraakiisha dagaal-yahanada wax iska caabinta.
Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa ku celiyay in Israel ay sii wadi doonto duqaymaha baahsan ee dalkaasi, illaa laga xaqiijinayo hadafkeeda dagaalka.