Honduras oo Safiirkeeda u jooga Israel ku wargelisay in dalka ku soo laabto

Honduras ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee Latin America ee u yeera Safiirka u jooga Israel.
Dowladda Honduras ayaa cambaareysay xasuuqa iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee ka jira Marinka Gaza.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Honduras, Eduardo Enrique Reina ayaa sheegay in haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalkaasi, Xiomara Castro ay go'aansatay in si degdeg ah loogu yeero Safiirka, iyadoo la eegayo xaaladda halista ah ee dadka rayidka ah ku wajahayaan Gaza.
"Marka la eego xaaladda bani'aadantinimo ee ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza, Xukuumadda Madaxweyne Xiomara Castro waxay go'aansatay inay si degdeg ah ugu yeerto Danjiraha Jamhuuriyadda Honduras ee Israel, Roberto Martinez, si wadatashi ay ugu la yeelato Caasimadda Tegucigalpa." Ayuu yiri Wasiirka.
Honduras ayaa sanadkii 2021 Safaaradeeda u rartay magaalada lagu muransan yahay ee Qudus (Jerusalem), xilligaas oo dalkaasi uu Madaxweyne ka ahaa Juan Orlando Hernández, oo hadda dalka Mareykanka ku wajahaya maxkamad ku saabsan eedeymo ka dhan ah ka ganacsiga daroogada.


