Israel oo ciqaab wadareed ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto

Hawlgalka ay Ciidamada Israel ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa maanta galay maalintii 6aad, iyadoona ay Israel ku andacooneyso in ay kula dagaalameyso kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa hujuumay Magaalooyinka Daanta Galbeed qaarkood, ka gadaal markii ay Tel Aviv sheegtay in ay ku soo xoogeysanayaan kooxaha ay Iran hubeyso.

Ciidamada Israel oo Jimcihii soo banneeyay Magaalada Tulkarm ayaa maanta dib ugu laabtay magaaladaasi, wuxuuna taliskoodu sheegay inay ka baadigoobayaan waxa ay ugu yeereen argagixisada.

Wararka ayaa sheegaya in Israel ay xaalad adag oo bani'aadantinimo ay ka abuurtay Daanta Galbeed, ayna walaac ku hayso bulshada deegaanka.

Xaaladda ugu adag ayaa laga soo sheegaya Magaalada Jenin ee koonfurta Daanta Galbeed. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Israel ay muujineyso in Falastiiniyiintu ay qiimo badan ku bixi doonaan taageeridda dagaal-yahanada iska caabinta sameynaya.

Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si adag u go'doomisay magaaladaasi, isla-markaana aysan jirin cid geli karta, marka laga soo tago meelaha qaarkood ay dadka rayidka ah u ogoshahay in ay ka soo baxaan.

Magaalada ayaa bilowgii hawlgalka laga jaray korontada, biyaaha, internet-ka iyo raashiinka oo aan la gayn karin, iyadoo ay dheer tahay in Israel ay xididay dhaqdhaqaaqyada gaadiidka gurmadka degdegga iyo isbitaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel ay burburinayaan waddooyinka, guryaha la degan yahay iyo weliba dukaamada.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay 70% burburiyeen Magaalada Jenin. Falastiiniyiinta ayaa tani ku tilmaamay ciqaab wadareed.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa maanta Hay'adda Bisha Cas ee Falastiin ku wareejiyay meydka nin maxbuus ahaa, kaas oo u geeriyooday jirdil ay u gaysteen. Ninkan ayaa ka mid ahaa dad laga qabqabtay Daanta Galbeed.

Hay'adda Bisha Cas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay Daanta Galbeed kula wareegtay meydka maxbuus 50 jir ahaa.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in maxbuuskaasi lagu magacaabo Ayman Rajeh Abed, isla-markaana uu ka soo jeedo deegaanka Kafr Dan ee galbeedka Jenin.

Ciidamada Israel oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha helicopterada iyo drones-ka ayaan si toos ah u bartilmaameedsaneyn goobaha ay ku tuhunsan yihiin kooxaha wax iska caabinta, ha yeeshee taasi bedelkeeda ayay iyago ku andacoonaya inay la dagaalamayaan kooxaha hubeysan ay halis gelinayaan nolosha dadka rayidka ah.

Qorshaha Israel ayaa u muuqdo mid ay shacabka Falastiiniyiinta kaga barakacineyso guryahooda, waana nooc dagaal oo muddo dheer ay ku haysay Falastiiniyiinta.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlgalka Daanta Galbeed, illaama ay si buuxda uga xaqiijinayaan amnigeeda.

Muddada uu hawlgalkan socdo ayaa Daanta Galbeed lagu dilay 29 Falastiiniyiin ah, kuwaa oo 18 ka mid ah lagu dilay Jenin, iyadoo min afar lagu dilay Tulkarem iyo Tubas, halka saddex kalena lagu dilay Magaalada Hebron.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay in tirada dadka ku dhaawacmay hawlgalkan ay sii caga-cageynayso 121 qof.

Madaxda Israel ayaa iska dhega tiraya baaqyada caalamiga ah ee loogu jeedinayo inaysan uga sii darin xaaladda dhulka Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ku qabsatay dagaalkii 6-da maalmood socday ee ay sanadkii 1967-kii la gashay Carabta.