Israel oo duqaysay gaadiid ambulance oo dhaawacyo siday

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka Israel ay weerar ku qaadeen gaadiid ambulance oo marayay agagaarka Isbitaalka Al-Shifa ee Marinka Gaza.
Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarkaasi ay ku dhinteen 15 qof, 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
"Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa bukaano dhaawacyo culus qaba ka soo qaaday Isbitaalka Al-Shifa, waxayna ku sii jeedeen xadka Rafah ee dalka Masar, markii la beegsanayay." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra.
Afayeenka ayaa yiri "Dhacdadani waxaan ku wargelinay Hay'adda Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas, waxaan kaloo ku wargelinayay dunida oo dhan in la weeraray dad markii horeba ku dhibaatoobay duqaymaha Israel."
Hay'adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday gaadiidkaasi, oo afar ka mida ay leedahay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, halka shan 5aad ay hay'addaasi leedahay.
"Bartilmaameedka ula kaca ah ee kooxaha caafimaadka, waxay ka dhigan tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah axdiyada Geneva, waana dembi dagaal." Ayay Bisha Cas ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
In ka badan 9,200 oo qof ayaa lagu dilay Gaza, 32,000 oo kalena waa lagu dhaawacay, tan iyo markii Israel ay bilowday weerarada ay kaga aargudaneyso weerarkii Xamaas ay 7-dii October.
Waxaa aad isu soo taraya dhacdooyinka naxdinta leh ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, kana soo horjeeda sharciyada caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.
Israel ayaa lagu eedeeyay in nooc kasta oo xadgudub ah ay ka gaysatay Marinka Gaza, balse aysan cid kula xisaabtameysa.


