Israel oo garaacday bartilmaameedyo ku yaala koonfurta Lubnaan
Ciidanka Cirka Israel ayaa maalintii saddexaad sii wada duqaymaha xoogan ee ay ku hayaan bartilmaameedyada ay Xoogaga Ururka Xisbullah ku leeyihiin koonfurta dalka Lubnaan.
Ka dib weerarka ay 12-ka qof ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Majdal Shams, laguna eedeeyay inay ka dambeysay Xisbullah ayay Israel wacad ku martay inay si adag uga aargudan doonto ururkaasi, inkastoo ururku uu eedeymahaasi iska fogeeyay. Israel ayaana tan iyo xilligaas xoojisay hawlgaladeeda xagga cirka ee ka dhanka ah Xisbullah.
Taliska Militariga Israel ayaa maanta sheegay inay duqeeyeen saldhigyo ay Xisbullah ku leedahay koonfurta Lubnaan, goobaha la burburiyayna uu ku jiro bakhaar hub ugu kaydsanaa Xisbullah.
Taliska ayaa qoraal ku sheegay inay weerareen 10 bartilmaameed, isla-markaana ay dileen inta ay xaqiijiyeen nin ka tirsanaa Xisbullah.
"Goobaha la duqeeyay waxaa ka mid ah bakhaar hubka lagu kaydiyo, dhismayaal ciidan iyo kaabeyaal kale oo argagixisadu ay leedahay." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in Xisbullah ay u xaqiijisay in mid ka mid ah dagaal-yahanadeeda la dilay.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo mar sii horreysay booqday magaalada ku taala Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto ee weerarku uu ka dhacay ayaa ku goodiyay in Xisbullah ay la kulmi doonto jawaab adag.
Xisbullah ayaa ballanqaaday inay ka jawaabi doonto gardarro kasta oo Israel ku soo qaaddo dalka Lubnaan, oo uu ku jiro hawlgal dhinaca dhulka ah, sida ay ku warantay Al Jazeera.
Saraakiisha Xisbullah ayay Warbaahinta ka soo xigatay, iyada oo aan loo eegeyn nooca weerarka Israel, haddii uu xadidan yahay iyo haddii kaleba uu ururku ka jawaabi doono.
Weeraradan iyo hanjabaadaha dhinacyada ayaa imanaya, xilli ay kordhayaan walaaca laga qabo in dagaalka Marinka Gaza uu dhalin karo isku dhac gobolka ah.
Diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Bariga Dhexe ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in isku dhac ballaaran uu ka qarxi karo gobolka.
Khubarada amniga ayaa ka digay in xaaladda gobolka ay ku sii dhawaaneyso in ay faraha ka baxdo, iyagoona ku taliyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza.
Kororka rabshadaha iyo xiisadda weyn ee ka jirta Bariga Dhexe ayaa salka ku haysa carro xoog leh oo ka dhalatay weerarada naxariis darrada ah ee ay Ciidamada Israel ku leynayaan shacabka reer Gaza.
Xisbullah iyo Israel ayaa si maalinle ah duqaymo iskugu weydaarsanayay deegaanada xuduudda, tan iyo 8-dii bishii October.
Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ayaa 17-kii bishan sheegay inaysan joojin doonin duqaymaha ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta.
Hassan Nasrallah ayaa xilligaasi cod kore ku sheegay in duqaymaha Xisbullah ay sii socon doonaan, illaa iyo inta ay Israel ka joojineyso dagaalka Gaza.