Israel oo mar kale duqayn culus ka gaysatay dalka Yemen

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa gelinkii dambe ee Axaddii weerar xoogan ku qaaday Dekedda Magaalada Hudaydah, iyagoo ka aargudanaya weeraradii gantaal ee Jimcihii iyo Sabtidii ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku qaadeen gudaha Israel.

Wararka ayaa sheegaya in gantaaladii Xuuthiyiinta Yemen ay habeenkii Sabtida ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv uu u muuqday isku day dil oo ka dhan ah Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Netanyahu ayaa la sheegay in lagu weeraray garoonkaasi, xilli uu dib ugu soo laabanayay Israel, ka dib maalmo uu booqasho ku joogay Magaalada New York.

Iyadoo Israel ay ka jawaabeyso weerarkaasi, Ciidanka Cirka ayaa garaacay Dekedda Hudaydah oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Ururka Xuuthiyiinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn oo is xigxigay lagu beegsaday dekeddaasi iyo weliba haamaha shidaalka lagu kaydiyo.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in afar qof ay ku dhinteen weerarka, 49 kalena ay dhaawacmeen.

Weerarka ayaa si weyn u saameeyay korontadii magaalada, ka dib markii ay waxyeelo ka soo gaartay xarunta korontada ee Hudaydah.

"Afarta qof ee shahiiday, saddex ka mid ah waxaa weeye injineerada ka shaqeysa xarunta korontada." Ayaa lagu sheegay warka laga baahiyay Al Masirah TV.

Militariga Israel ayaa sheegay in daraasiin diyaaradahooda dagaalka ah ay burburiyeen kaabeyaasha ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin Dekedda Hudaydah iyo weliba Ras Issa.

"Xarumaha korontada laga dhaliyo iyo dekedda waxaa loo isticmaalaa goobo hubka lagu kala wareejiyo." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.

20-kii bishii July ayay Israel sidaan oo kale u weerartay Dekedda Hudaydah, markaas oo ay ka aargudaneysay weerar uu hal qof ku dhintay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen oo Xuuthiyiinta ay July 19-keedii ka gaysteen Magaalada Tel Aviv.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Israel, inta ay weerarada ku hayso Gaza iyo Lubnaan.

Isku dhacyada gobolka ee sii kordhaya ayaa dhibaato amni ku ah deganaanshaha iyo xasilloonida Bariga Dhexe.