Israel oo reer galbeedka u sheegtay inaysan dooneyn dagaal ka dhan ah Xisbullah
Israel ayaa warqad u dirtay dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka qaarkood, iyadoo u xaqiijineysa inaysan diyaar u ahayn dagaal buuxa oo haatan ay la gasho Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Wargeyska afka dheer Israel ka soo baxa ee Israel Today ayaa sheegay in Israel ay farriinteeda gaarsiisay dalalka caalamka.
Wargeyska ayaa ku waramay in Dowladda Israel ay ka codsatay dalalkaasi inay gacan ka gaystaan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda Bariga Dhexe iyo ka hortaga in dagaalku uu ballaarto.
Israel ayaa warqadda ku sheegtay in ay Axaddii qaadday tallaabooyin ay isaga difaaceyso weerar xoogan oo kaga soo wajahnaa dhanka Xisbullah, isla-markaana aanu yoolkeedu ahayn inay dagaalka ballaariso.
Dhanka kale Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa dhiggiisa Israel Yoav Gallant u sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay in la difaaco Israel, kana difaacaan weerarada kaga imanaya Iran iyo ururada hubeysan ee gacan saarka la leh.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageeradeeda Israel, isla-markaana ay xaq u leedahay inay is difaacdo.
Xisbullah iyo Israel ayaa 8-dii bishii October bilaabay inay gantaalo isku weydaarsadaan deegaanada dhaca xuduudda labada dal, waana maalin ka dib markii uu qarxay dagaalka Gaza. Muddadaasi ayaa waxaa kordhay gantaalaha isaga kala gudba deegaanada xadka.
Tani ayaa gobolka ka abuurtay cabsi laga muujiyay in xiisadda labada dhinac ay isku bedesho dagaal goboleed, kaas oo ay qayb ka yihiin Mareykanka iyo Iran.
Cabsida ayaa xoogeysatay, ka dib dilkii labada cisho ee isku xigto loo gaystay Fuad Shukr, Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah iyo Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh.
Haddii dagaal weyn uu ka qarxo Bariga Dhexe, colaadda ayaa la qiyaasayaa in ay ka gudbi doonto xuduudaha gobolka.