Josep Borrell oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa Israel
Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa baajiyay safar uu qorsheynayay in uu ku tago Israel, haatan oo booqasho uu ku marayo Bariga Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub uu Safiirka Israel ee Midowga Yurub, Haim Regev u sheegay inuu go'aansaday inuu baajiyo booqashadiisii Israel.
Wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth ayaa daabacay in Josep Borrell uu tani u sababeeyay, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, ninka lagu magacaabo Israel Katz uu diiday inuu ogolaado booqashadiisa.
Josep Borrell oo booqashadiisa gobolka ka bilaabay dalka Masar ayaa uga sii gudbay Lubnaan, isaga oo hoggaamiyeyaasha gobolka kala hadlaya, sidii loo dejin lahaa xiisadda hadda ka jirta Bariga Dhexe ee salka ku haysa colaadda Gaza. Borrell ayaa qorsheynayay in 14-15-ka September uu booqdo Israel.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Tel Aviv ay si cad ugu sheegtay diblomaasiga ugu sarreya Midowga Yurub inaanu soo booqan karin Israel, sababo ku aaddan in uu dhalleeceynayo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Borrell ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich inay hurinayaan colaadda Gaza iyo rabshadaha Daanta Galbeed ee la haysto.
Wasiiradan ayaa si weyn uga soo horjeeda in la soo afjaro dagaalka bishii 12-aad ka soconaya Marinka Gaza, waana Wasiirada axsaabta midigta fog ku metela xukuumadda wadaagga ee Netanyahu uu hoggaamiyo.
Labadan Wasiir ayaa wacad ku maray in ay ridi doonaan xukuumadda la wada leeyahay, haddii aysan dhageysan codkooda, isla-markaana aan la sii wadin dagaalka ay sheegeen in lagu burburinayo Ururka Xamaas.
Borrell ayaa dhawaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ugu baaqay in cunaqabateyn lagu soo rogo Wasiirada mayalka adag, si looga jawaabo farrimahooda naceybka ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, balse taasi waxay ka carreysiisay Tel Aviv.
Israel ayaa sidoo kale ka soo horjeeddo baaqa Borrell ee ku aaddan in si dhab ah loo wajaho colaadda muddada dheer ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe, iyadoo markaasi la aasaasayo dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.