Laba qof oo midi ay haweeney tahay oo lagu dilay Tel Aviv

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu nin Falastiini ah ka gaystay Magaalada Tel Aviv, oo la sheegay in dad Israeliyiin ah ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ninkan oo ku hubeysnaa toorey uu Axaddan laba qof ku dilay xaafadda Holon ee koonfurta Tel Aviv, laba kalena uu ku dhaawacay.

Ninkan ayaa weerarka ka gaystay meel u dhow kaalin shidaal iyo beer lagu nasto, sida ay sheegtay adeegga ambalaasta ee Israel.

Taliska Booliska ayaa mar dambe sheegay in ninka weerarka soo qaaday uu dilay laba qof oo midi ay haweeney tahay, laba kalena uu dhaawacay, ka hor inta aysan ciidamadu dilin.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Eli Levi ayaa sheegay in xoogaga ammaanka oo goobta ka ag-dhawaa ay si degdeg ah uga hortaggeen in ninkaasi uu khasaare badan gaysto.

Hay'adaha ammaanka oo goobta gaaray ayaa ka sameeyay baaritaano la xiriira qaabka uu weerarku u dhacay, iyagoona halkaasi ka uruursaday, wixii macluumaad ahaa ee ay u baahnaayeen.

Ururka Xamaas ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerarku uu jawaab dabiici ah u yahay weerarada Israel ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta iyo dilka Ismail Haniyeh, Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas.

Xamaas oo dagaal kula jirta Israel ayaa ka gaabsatay inay sheegato masuuliyadda weerarkan.

Dhanka kale Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in xukuumaddiisu ay la xisaabtami doonto cid kasta oo ninkaasi kala shaqeysay weerarka.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog oo dhankiisa cambaareeyay weerarkaasi ayaa sheegay in uu ka xun yahay dilka loo gaystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sida uu yiri.

"Cadowgayagu waxay na soo weerarayaan mar kale iyo mar kale, iyaga oo neceyb uu ka buuxo. Dembiga keliya ee dadka la dilay waa inay doonayeen inay si xor ah ugu noolaadaan dalkooda." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Herzog ayaa sheegay in ficilada waxa uu ugu yeeray argagixisada ay xoojin doonaan gacmaha Ciidanka Difaaca Israel.

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan ka hortagno argagixisanimada dhow iyo midda fogba. Is dhiibi mayno, kana daali mayno in muddo ah go'aankeenna, waxaana sii wadi doonnaa inaan rumayno jidka xaqa, kuna camal falno nuurkiisa." Ayuu yiri Herzog.

Weerarkan ayaa imanaya maalmo uun ka dib, markii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas lagu dilay Magaalada Tehran.

Ururka Xamaas waa dhaqdhaqaaq Islaami oo gobanimo doon ah, waana cududda ugu weyn ee ururada wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Israel.