Madaxa IAEA oo gaaray Ruushka, si loo baaro eedeymaha loo jeediyay Ukraine
Madaxa Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA, Rafael Grossi ayaa maanta gaaray Gobolka Kursk ee dalkaasi Ruushka, ka dib eedeymihii uu Madaxweyne Vladimir Putin u jeediyay Ciidamada Ukraine ee weerarka ku soo qaaday gobolkaasi.
Madaxweyne Putin ayaa Khamiistii Ciidamada Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayeen inay garaacaan Warshadda Tamarka Nukliyeerka ee Kursk. Madaxweynaha ayaa xilligaasi muuqaal uu ka soo muuqday ku sheegay in dhacdadaasi ay ku wargeliyeen Hay'adda IAEA, ayna ballanqaaday in ay khubaro u soo diri doonto gobolkan, oo toddobaadkii 3aad ay ka dagaalamayaan Ciidamada Ukraine.
Madaxa Hay'adda IAEA iyo xubno uu horkacayo ayaa gaaray Magaalada Kurchatov, si ay u qiimeeyaan badqabka Xarunta Warshadda Tamarka Nukliyeerka ee halkaasi ku taala.
Rafael Grossi oo Warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa sheegay in uu halkaasi u joogo qiimeynta amniga xarunta, iyadoo xaruntan ay wax ka yar 40km u jirto goobta ay Ciidamada Ruushka kula dagaalamayaan Militariga Ukraine ee weerarka soo qaaday. Moscow ayaana gobolka ku soo rogtay xaalad degdeg ah.
"Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Madaxweynaha Ruushka martiqaadkan uu noo fidiyay inaan soo booqano Warshadda Tamarka Nukliyeerka ee Kursk, xilligan ay jirto xaaladda degdegga ah." Ayuu yiri Rafael Grossi oo intaasi ku daray "Dhammaanteen waxaan ognahay, waxa aniga iyo wafdigayga aan maanta halkan u joogno."
Rafael Grossi iyo khubarada kale ee la socda ayaa si dhameystiran u kormeeraya warshadda, sidoo kalena waxay kulamo la leeyihiin maamulka warshaddaasi.
Grossi ayaa ka digay khataraha halista ah ee waxyeelo kasta oo loo gaysto warshaddaasi, isagoo sheegay in IAEA ay si dhab ah u qaadan doonto xaaladda ku xeeran warshadda ee ka dhalatay hawlgalada iska soo horjeeda ee ka socda gobolka ku yaala galbeedka Ruushka.
Grossi ayaa tilmaamay in warshaddan ay tahay mid aad u jilicsan, sababtoo ah ma lahan buu yiri nidaam difaac oo ka ilaaliya weerarada.
Hay’adda IAEA ayaa marar badan sheegtay in dhaqdhaqaaqyada militari ee ka ag dhow goobaha nukliyeerka ay khatar weyn ku yihiin badqabka nukliyeerka.
Dowladda Ukraine ayaan illaa iyo hadda ka hadlin eedeymaha ay Moscow u jeedisay ciidamadeeda.
Ciidamada Ukraine oo tan iyo 6-dii bishan gudaha ugu jira gobolkaas ayaa halkaasi ka wada weeraro ka dhan ah Ruushka.
Militariga Ukraine ayaa weerarka ay xuduudda labada dal kaga soo tallaabeen ku doonaya in Ruushka culeys lagu saaro, si uu ciidamadiisa uga la soo baxo dalka Ukraine.
Inkastoo sida la sheegayo la go'doomiyay Ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya Gobolka Kursk, haddana waxaa cad in ay awood u leeyihiin inay garaacaan bartilmaameedyada Militariga Ruushka ee ku yaala gobolada ka baxsan gobolkaasi, bacdamaa ay ku hubeysan yihiin gantaalaha ridada dheer iyo diyaaradaha drones-ka ee is qarxiya.