Madaxweynaha Mareykanka oo digniin u jeediyay Dowladaha Bariga Dhexe

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa si isku mid ah Dowladaha Bariga Dhexe uga digay inay carqaladeeyaan dadaalada uu hormuudka ka yahay ee xalka loogu raadinayo colaadda Gaza.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu digay dhammaan dhinacyada ku lugta leh wada-xaajoodyada inay carqaladeeyaan wax kastoo horseedaya in heshiis xabad joojin ah laga gaaro dagaalka Marinka Gaza.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ku dhow yihiin labada dhinac, waa Israel iyo Xamaas'e in ay gaaraan heshiiska sida weyn loogu baahan yahay, ka dib wareeggii ugu dambeeyay ee wada hadalada ee Khamiistii iyo Jimcihii ka qabsoomay Magaalada Doha.

Madaxweyne Biden ayaa dhinacyada saamaynta ku leh wada hadalada ugu yeeray inay ka fogaadaan carqaladeynta dadaalada caalamiga ah ee socda, si xabad joojin looga dhaqangeliyo Marinka Gaza, maxaabiistana la isku dhaafsado.

Dhanka kale Madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay in Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda uu u dirayo Israel, si uu u sii wado dadaalka degdegga ah ee lagu dhameystirayo heshiiska.

"Qofna gobolka ma qaadan karo falalka lagu wiiqayo nidaamkan." Ayuu yiri Madaxweyne Biden oo muujiyay in Washington ay markan ka go'an tahay in la soo afjaro colaadda Gaza.

Hadalkiisan ayaa yimid, ka dib bayaan ay xalay si wadajir ah u soo saareen Masar, Mareykanka iyo Qatar, oo ay ku sheegayeen inay soo bandhigeen hindise cusub oo xabad joojin iyo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista, kaas oo sida ay sheegeen yareynaya farqiga u dhaxeeya Xamaas iyo Israel.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa markii dambe soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in uu si gooni gooni ah ula hadlay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, kuwaa oo uu ku bogaadiyay inay dardargeliyaan soo jeedinta ama hindisaha cusub ee miiska saaran.

Horumar kasta oo laga gaaro wada hadalada Doha ayaa muhiim u ah in laga baaqsado in dagaalka Israel iyo Xamaas ku dhex maraya Marinka Gaza uu isku bedelo mid gobolka oo dhan ah.

Madaxweyne Biden ayaa qaba in heshiiska xabad joojinta Gaza uu Iran ka baajin karo qorshaha ay damacsan tahay in ay kaga aargudato Israel, ka dib dilkii ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.