Madaxweyne Biden oo maanta maraya imtixaan adag

Waxay maanta ku buuxdaa xilliga ay Golaha Muslimiinta Mareykanka u qabteen Madaxweyne Joe Biden in uu xabad joojin ku soo dabaalo colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa Madaxweynaha ku cadaadinaya in uu wax ka qabto duulaanka Israel ee Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan sideed kun oo qof, una badan dumar iyo carruur.

Golaha Muslimiinta Mareykanka oo Khamiistii Madaxweynaha kula kulmay Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo ayaa u qabtay in ugu dambayn Talaadada maanta ah uu ku soo afjaro colaadda labada dhinac. Golaha ayaa Madaxweynaha u sheegay inaysan Muslimiinta Mareykanka dib u soo dooran doonin, haddii uusan xaaladda taagan waxba ka qaban.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta oo ku kulmay Gobolka Minnesota ayaa sheegay in ay walwal ku hayso xasuuqa ay Israel u gaysaneyso shacabka Falastiiniyiinta iyo in Mareykanku uu Israel ku gacan siinayo fal dembiyeedyadeeda, taas oo ay sheegeen inaysan sax ahayn. 

Hoggaamiyeyaasha ayaa shir jaraa'id kaga dhawaaqay inaanay Muslimiinta dalkaasi soo dooran doonin Madaweynaha, doorashada xigta ee dalkaasi ka dhaceysa bisha November ee sanadka soo socda ee 2024, haddii Aqalka Cad uu ku guuldareysto xabad joojinta aadka loogu baahan yahay, si kaalmo bani'aadantinimo loogu fidiyo dadka rayidka ah ee sida weyn ugu baahan.

"Haddii aaddan xabad joojin ku dhawaaqin maalinta bisha October ay 31-da tahay oo Talaadada ku beegan, waxaan u caddayn doonnaa Muslimiinta Mareykanka doorashada 2024 Madaxweyne Biden inaanan loo codeynin, oo dadka Muslimiinta Mareykanka aysan cod siinin." Ayuu yiri Sheekh Xasan Jaamac Dhooye oo ka mid ah Culima'udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Madaxweyne Biden ayaa la filayaa in Arbacada berrito uu gaaro Gobolka Minnesota, iyadoona safarkiisa uu la xiriiro ololaha dib u doorashadiisa.

Inkastoo Madaxweynuhu uu mid muhiim ah u arko codadka mallaayiinta Muslimiinta Mareykanka, haddana waxaa la leeyahay Israel kuma cadaadin doono in ay si dhakhsi ah u soo afjarto duulaankeeda Gaza, xilli xiriirka maamulkiisa iyo Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ka soo reynayo, ka dib in muddo ah oo uu liitay. 

Weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho ayaa adkeeyay xiriirka labada dhinac. 

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka oo 18-kii bishan booqday Israel ayaa u muujiyay midnimo iyo in Washington ay ku garab taagan tahay dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Israel ayaa wixii ka dambeeyay Jimcihii ballaarisay duulaankeeda Gaza, xilli ay dadku ka walaacsan yihiin xaaladda bani'aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Dadka reer Gaza ayaa wajahaya dhibaato xoog leh, oo ka dhalatay duqaymahaha baahsan iyo go'doominta guud ee ay Israel ku soo rogtay Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay jiraan boqolaal kun oo qof oo ku xaniban xarumo ku yaala waqooyiga Gaza, isla-markaana ay ku adkaatay in ay u gudbaan dhanka koonfureed ee magaalada. Dadkan waxaa ku jira bukaano fara-badan oo sidoo kale ku go'doonsan goobaha caafimaadka ee halkaasi ku yaala.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan xaaladda bani'aadantinimo ee toddobaadkii 4aad ka jirta Magaalada Gaza iyo xasuuqa Israel ee dadka rayidka ah.

Madaxweyne Biden oo goor sii horreysay khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ugu baaqay in Tel Aviv ay gargaarka bani'aadanimo si mug leh ugu ogolaato dadka Gaza.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in hadda ka dib uu kordhi doono gargaarka bani'aadantinimo ee ka soo gudba xadka Rafah ee la geeyo Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegay in Aqalka Cad uu Tel Aviv kala hadlay wejiga hore, ee ah in maalintiiba 100 gaadiidka xamuulka ah loo fasaxo Marinka Gaza.

Hay'adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 75 baabuur oo gargaar ah oo ka yimid dhanka Masar, kuna sii jeeda Gaza ay hadda baaritaan amni xaqiijin ah ku marayaan barta kontorool ay Ciidamada Israel ku leeyihiin isgoyska Nitzana.

Haddii kolonyadan loo fasaxo dhanka Gaza ayaa noqonaya kolonyadii ugu badnaa ee gargaar sida oo gaara Marinka Gaza, tan iyo 21-kii October oo Tel Aviv ay ogolaatay in gargaarka la gaarsiiyo Gaza.