Madaxweyne Biden oo riixaya in dib loo bilaabo wada hadalada xabad joojinta Gaza
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa mar kale isku dayaya in dib loo bilaabo dadaalada caalamiga ah ee lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza, loona sii daayo maxaabiista.
Saraakiil Mareykan ah ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu sii wadi doono isku daygiisa ah in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay Dowladaha Masar iyo Qatar kala sii shaqayn doonto wada hadalada, si dhinacyadu ay u dhameystiraan heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta maxaabiista.
Sabtidii, Madaxweyne Biden ayaa sheegay in weli ay jirto fursad ah in la gaari karo heshiiska xabad joojinta ee aadka loogu baahan yahay.
Dhanka kale Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa maanta sheegay in ururkoodu uu diyaar u yahay heshiiska xabad joojinta, balse uu carqaladeynayo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Sarkaalkan ayaa Rayal Wasaaraha Israel ku eedeeyay in uu hortaagan yahay in la joojiyo dagaalka, maxaabiistana la is weydaarsado.
Khalil Al-Hayya oo la hadlay Al Jazeera ayaa xusay in Xamaas ay horey u soo dhaweysay hindisihii Madaxweyne Biden uu soo bandhigay daba-yaaqadii bishii May, kaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay qaraar ku taageereen bishii June.
Al-Hayya ayaa sheegay in iyaga iyo Israel ay ku heshiiyeen qaabka loo fulinayo qodobada heshiiska, balse markii dambe uu ka baxay Raysal Wasaare Netanyahu, isagoona door biday sida uu yiri in dagaalku uu sii socdo.
Xamaas ayaa Axaddii sheegtay in weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza ay khatar dhab ah ku yihiin nolosha la haysteyaasha Israeliyiinta.
Meydadka lix qof oo Israeliyiin ah oo midkood uu haystay dhalashada dalka Mareykanka ayaa mar sii horreysay laga helay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza. Israel waxay Xamaas ku eedeysay inay si xun u dileen dadkaasi, ka hor inta aysan ciidamadu gaarin god dhulka hoostiisa ah oo lagu haystay, balse Xamaas ayaa sheegtay in dadkaasi ay ku baxeen gacanta askartooda.