Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo gaaray deegaan istiraatiiji ah oo laga saaray Shabaab

Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Buulo Xaaji oo qiyaastii 80km dhinaca koonfur galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay ka arriminayay maleeshiyada Al Shabaab, waana markii ugu horreysay oo ciidamadu ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa dadka deegaanka gaarsiiyay gargaar raashiin oo maamulku uu ugu talagalay.

Madaxweyne Kuxigeenka iyo masuuliyiinta kale oo shalay galab goob fagaare ah kula hadlay boqolaal qof oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa ugu baaqay in ay ciidamada kala shaqeeyaan howlaha sugidda amniga.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay inay deegaankaasi ka fulin doonaan mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo, isagoona Buulo Xaaji ku tilmaamay deegaan aad muhiim u ah.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadu aysan dib uga laaban doonin deegaanka istiraatiijiga ah, isla-markaana uu maamulku saldhigan doono.

"Shaki haddaad ka qabteen in Ciidamada Jubbaland ay noqonayaan, ma noqonayno ee waan degaynaa meeshaan, dowladduna way degaysaa, annaguna waan soo degaynaa, Madaxweynuhuna waa imaanayaa." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland.

"Isbitaalka waan sameynaynaa, saldhigana waan dhisaynaa." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka oo intaasi ku daray "Waxaan u soconaa sidii saldhig bani'aadantinimada ku saleysan oo wax alaala wixii nolosha bani'aadamka looga maarmeyn Buulo Xaaji looga samayn lahaa, waana laga sameynayaa ku bishaareysta."

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere), Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland ayaa dadka deegaanka kula dardaarmay in midnimada dhexdooda ay adkeeyaan.

"Waxaan rabnaa midnimadiina inaad adkeysaan, dowladnimadiina aad adkeysaan, isku tashiga aad badisaan, saraakiisha aad la shaqeysaan, ciidankana aad soo dhaweysaan oo aad la shaqeysaan." Ayuu yiri Luga-dheere.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa gobolka dib uga bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, oo ay ku doonayaan in ay ku qabtaan dhulka ka maqan gacanta maamulka.