Mareykanka oo Israel ugu yeeray inay ilaaliso shacabka ku nool Daanta Galbeed
Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa Israel ugu yeeay inay ilaaliso badqabka shacabka Falastiiniyiinta, xilligan oo ciidamadeeda ay hawlgal ballaaran ka wadaan Daanta Galbeed.
"Mareykanku wuxuu ku boorinayaa Israel inay qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah ee Daanta Galbeed." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Washington ay aqoonsan tahay baahida amni ee Israel, oo ay ku jiraan in laga hortago kooxaha argagixisada ee Daanta Galbeed.
"Sidaas oo ay tahay waxaan ku adkeynaynaa masuuliyiinta Israel in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka waxyeelada looga ilaalinayo dadka rayidka ah." Ayaa lagu sheegay bayaanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Washington ay aad uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Daanta Galbeed, balse ma sheegin xalka lagama maarmaanka u ah colaadda muddada dheer ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe ee u dhaxeyso Israel iyo Falastiiniyiinta.
Warka Mareykanka ee ku aaddan in la ilaaliyo dadka rayidka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo Israel ay Arbacadii hawlgal ballaaran oo militari ay ka bilowday magaalooyin ku yaala Daanta Galbeed.
Ciidamada Israel oo wata gaadiidka gaashaaman, dhanka cirkana ay ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka ayaa hawlgalkan ka wada Magaalooyinka Jenin, Tulkarm iyo Tubas.
Israel ayaa sheegtay in hawlgalku uu yahay mid ay kula dagaalameyso kooxaha Falastiiniyiinta ee ay Iran hubka siiso.