Mareykanka oo ka horyimid in Israel ay si buuxdo ula wareegto Marinka Gaza

Dowladda Mareykanka ayaa Israel uga digtay damaceeda ah inay si buuxdo ula wareegto Marinka Gaza, kolka uu dhammaado dagaalka ay kula jirto Ururka Xamaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanu Mareykanku taageeri doonin qorshe Israel ay kula wareegeyso amniga guud ee Gaza.

Wasiirka oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Tokyo ayaa sheegay in Mareykanku uu Israel ku taageerayo inay meesha ka saarto Xamaas, balse aanu Mareykanku taageeri doonin in Israel ay dib ula wareegto Marinka Gaza, iyadoo ku andacooneysa inay ka hortaggeyso weerar la mid ah midkii 7-dii October ay Xoogaga Xamaas ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

"Israel ma qabsan karto Marinka Gaza, way iska caddahay inaysan qabsan karin. Hadda xaqiiqdu waxay tahay in ay jiri karto baahi loo qabo muddo kala guur ah, dhammaadka iska horimaadka." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri "Marka Xamaas laga adkaado, dadka Falastiiniyiinta waa inay iyagu la wareegaan Maamulka Gaza iyo xitaa Daanta Galbeed."

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii ku hanjabay in maamulkiisu uu damaanad ahaan ula wareegi doono amniga guud ee Gaza, marka ay wiiqaan Xamaas.

Waxa uu sheegay in illaa waqti aan la garanayn ay Israel gacanta ku hayn doonto amniga Gaza, isagoona yiri "Israel waxa ay yeelan doontaa masuuliyadda guud ee amniga Gaza, muddo aan la cayimin, marka uu dagaalku dhammaado, sababtoo ah waxa aynu aragnay waxa dhacaya." 

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, James Cleverly ayaa sheegay in loo baahan yahay in Israel ay awoodda ku wareejiso Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee nabadda jecel, sida uu yiri.

Washington iyo London ayaa Tel Aviv ka dalbanaya in ay wareejiso maamulidda Gaza, marka ay gaarto hadafkeeda ah in la ciribtiro Xamaas.

Bayaan ay si wadajira u soo saareen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 oo laba cisho uu shir uga socday dalkaasi Japan ayaa ku baaqay xabad joojin bani'aadantinimo, si gargaarka loogu ogolaado Marinka Gaza.

Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ayaa si adag u cambaareeyay barakacinta khasabka ah ee ay Israel ka waddo Gaza, taas oo ay u arkaan qorshe ay ka leedahay dhul ballaarsi.

Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysteen. Xilligaasi waxay magaalada ku wareejiyeen Maamulka Falastiiniyiinta, inkastoo ay Xamaas kala wareegtay bishii June ee sanadkii 2007.

Israel ayaa tan iyo xilligaa ahayd cidda go'aanka ka gaareysa cidda imaaneysa iyo cidda kale ee ka baxeysa Gaza, iyadoona weli ay Israel gacanta ku hayso maamulka hawada iyo badda Gaza.