Midowga Yurub oo si adag u cambaareeyay Shaqaalaha QM ee lagu dilay Gaza

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa si adag u cambaareeyay dilka xubno ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobey loogu gaystay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Shaqaalahan oo tiradooda ay lix gaareysay ayaa u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

Hay'adda UNRWA ayaa sheegtay in shaqaalahooda lagu dilay duqayn ay Israel u gaysatay goob waxbarasho. UNRWA waxay tani ku sheegtay "Waa tiradii ugu badneyd shaqaalaheenna ee goob qura lagu dilo, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza."

Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarada ay Israel ku hayso goobaha ay gabaadsanayaan dadka rayidka ah.

Iskuulkan ayaa waxaa gabaadsanayay kumanaan qof oo ka mid ah qoysaska Falastiiniyiinta ee sida khasabka ah looga soo barakaciyay guryahooda.

Josep Borrell ayaa sheegay inaanan la aqbali karin xadgudubyada joogtada ah Israel ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Hay'adda ActionAid ayaa Talaadadii sheegtay in Israel ay khatar dhab ah ku noqotay shaqaalaha bani’aadantinimada ee ka hawlgala Marinka Gaza, ka dib markii ciidamadeeda ay xoojiyeen dhibaatooyinka ay ku hayaan. Ku dhawaad 300 oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa lagu dilay Marinka Gaza, muddada uu socdo dagaalkan.

Borrell ayaa dhawaan sheegay in dagaalka ka hor ay Israel Gaza ka dhigtay xabsiga ugu weyn dunida ee dusha ka furan, haddase ay u bedeshay xabaalaha ugu weyn ee caalamka.

Dadka rayidka ah oo ay ku jiraan shaqaalaha hay'adaha caalamiga ah ayaa si joogta ahi loogu bartilmaameedsadaa qaybaha Marinka Gaza oo dhan.

Israel ayaa sii waddo weeraradeeda naxariis darrada ah ee ay ku beegsaaneyso goobaha ay rayidku badbaadada u soo doonteen, iyadoona si aan kala sooc lahayn u leynayso shacabka Falastiiniyiinta iyo weliba shaqaalaha hay'adaha gargaarka.

Israel ayaa dhegaha ka fureysanaysa baaqyada caalamiga ah ee loogu jeedinayo inay ilaaliso shuruucda caalamiga ah, xuquuqda aadanaha iyo qiyamka bani'aadantinimada, waxaana muuqata inay iska indha tireyso cambaareynta caalamiga ah ee ka dhalatay habdhaqankeeda khalafsan.

Ixtiraamka la'aanta Israel ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah ee ilaalinaya nolosha dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha dadweynaha ayaa ka dhigan dembi dagaal.