Netanyahu oo sheegay in dagaalka ka dib ay Israel la wareegi doonto amniga Gaza

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku hanjabay in maamulkiisu uu damaanad ahaan la wareegi doono amniga guud ee Marinka Gaza, kolka ay dagaalkan kaga adkaadaan Ururka Xamaas.

Waxa uu sheegay in illaa waqti aan la garanayn ay Israel gacanta ku hayn doonto amniga Gaza, iyagoo markaasi ka hortaggaya weerar la mid ah midkii 7-dii October.

"Israel waxa ay yeelan doontaa masuuliyadda guud ee amniga Gaza, muddo aan la cayimin, marka uu dagaalku dhammaado, sababtoo ah waxa aynu aragnay waxa dhacaya." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel.

Waxa kaloo uu sheegay in Israel aysan joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta ay Xoogaga Xamaas ka soo sii deynayaan dadka la haysteyaasha ah.

"Waddada keliya ee noo furan waa inaanu leyno argagixisada Xamaas, illaa heer aysan qiyaasi karin." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo wareysi siinayay Warbaahinta ABC News ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaase sheegaya in ay suurtagal tahay in muddo kooban ay hakiyaan dagaalka, si gargaarka bani'aadantinimo loo gaarsiiyo Gaza, balse aanay jiri doonin sida uu yiri xabad joojin buuxda.

"Ma jiri doonto xabad joojin guud oo Gaza ah, iyada oo aan la sii deynin la haysteyaasha, waase suurtagal in hal saac la hakiyo dagaalka, waxaana hubin doonnaa in gargaarka ay soo galaan Gaza, balse uma maleynayo inay jiri doonto xabad joojin guud." Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo 20-kii bishii October hortegay Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ayaa sheegay in hawlgalkooda dhulka uu xiggi doono qorshe ay Gaza uga dhisayaan nidaam cusub oo amni.

“Tallaabada saddexaad waxay noqon doontaa in Marinka Gaza laga dhiso nidaam cusub oo amni, taas oo meesha ka saareysa walaacii amni ee Israel. Abuurista nidaamka cusub ee amniga waa mid lagu xaqiijinayo amniga muwaadiniinta Israel iyo aagagga ku hareereysan Marinka Gaza.” Ayuu yiri Wasiir Gallant.

Gallant ayaa Axaddii ku celiyay in dagaalkan uu noqon karo mid waqti dheer qaata, isagoona dadka reer Israel ka codsaday in ay ciidamadoodu garab istaaggaan.