Puntland oo dil toogasho ku fulisay 10 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay 10 nin, oo horey loogu helay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida & Dembiyada Culus ayaa xubnahan ku heshay in ay dilal ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoona ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta dadkii ay horey u dileen.
Ciidan isugu jira Boolis, Asluub iyo Daraawiish oo saf la geliyay ayaa raggan ku toogtay fagaare ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Xubnaha la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa:-
Xasan Jaamac Maxamed
Xasan Muuse Axmed
Liibaan Aadan Muuse
Barkhad Cawil Xirsi
Cabdikhaaliq Warsame Barre
Cadde Cabdullaahi Maxamed
Maxamed Cabdisalaan Axmed
Cabdiraxmaan Faysal Salaad
Cabdikhani Farxaan Cabdullaahi
Cabdisalaan Sahal Shuceyb.
Puntland waa Dowlad Goboleedka dilalka ugu badan ku fulisa xubnaha ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.