Qarax xoogan oo ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir
Wararka ka imanaya Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Guriga Hooyooyinka.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu ahaa SURF la soo dhigay afaafka hore ee maqaaxi lagu magacaabo Geeldoox, taas oo dadku ay ka cunteeyaan, isla-markaana uu gaarigu ku qarxay goobtaasi.
Qaraxa ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxayna waxyeelada ugu badan ka soo gaartay dad ku sugnaa maqaaxida, kuwo marayay hareeraha waddada iyo weliba dad kale oo la socday mooto bajaaj.
Muuqaalo goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya in bajaajta iyo dadkii saarnaaba ay ku kadsoomeen weerarka.
Ciidamada amniga ayaa xiray waddada uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ayna hay'adaha ammaanku wadaan baaritaano la xiriira weerarkaasi.
Ma cadda tirada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weerarka. Laamaha amniga ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay war ka soo saaraan.
Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ah goob si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, lamana garanayo, sida gaariga miineysan uu halkaasi ku soo gaaray.
Goobta waxaa ka ag-dhow Xarunta Golaha Murtida & Madadaalada Qaranka ee National Theatre, oo uu ku dhinac yaalo bar kontorool oo laga ilaaliyo amniga Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Hay'adaha amniga ayay tahay inay ka jawaabaan su'aalaha ku gadaaman qaraxa ka dhacay goobta, maadaama ay darafyada kaga yaallaan barro lagu hubiyo amniga.
Qaraxa ayaa dhacay abaarihii 1-dii duhurnimo ee maanta, waxaana jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, waxaase lala xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.