Qaraxyo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka ay laba qarax ka dhaceen magaaladaasi.
Qaraxa hore ayaa ka dhacay waddada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halka qaraxa kalena uu ka dhacay meel ku dhow bar kontorool oo ciidamadu ku leeyihiin afaafka hore ee magaaladaasi.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in rag la socday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay fuliyeen qaraxyadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay rasaas oodda kaga qaadeen gaadiidkaasi, ka hor intii aanay gaarin goobihii uu bartilmaameedkoodu ahaa.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Galmudug, Axmed Daahir Cumar ayaa sheegay in ciidamadu ka hortaggeen qaraxyo la doonayay in gudaha loo soo geliyo Dhuusamareeb.
"Laba qarax oo ay argagixisado doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Dhuusamarreeb ayaa lagu fashiliyay bannaanka magaalada." Ayuu Agaasimuhu ku sheegay bartiisa Facebook.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, sida ay tebisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo laba bilood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka sameystay bar uu kala socdo gulufka dagaal ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Gobolada Dhexe.
Shabaab oo culeys weyn uu mar kale ka soo fuulay bartamaha dalka ayaa isku dayaya in ay fashiliyaan dagaalka lagu doonayo in xididada loogu siibo.