Raysal Wasaaraha Israel oo jeediyay farriin cusub oo hanjabaad ah

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo horjeesta Israel uu bixin doono qiimo culus, xilli ay xaalad aad u kacsan ka jirto Bariga Dhexe, ka dib dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh.

Raysal Wasaaraha oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Tel Aviv ayaa hadalkiisa ku bilaabay in Israel ay dagaal kula jirto xoogaga ay Iran baritaarto ee ka jira gobolka.

"Israel waxay la dagaalameysaa dhidibka xun ee Iran, dagaalkaas oo ah mid ku xiran jiritaankeeda." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha.

"Waxaan diyaar u nahay xaalad kasta." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo hadalkiisa ku xoojiyay "Israel ma aamusi doonto mar kasta oo ay wajahdo maalmo adag."

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Israel ay dili doonto cid kasta oo ka hor timaada, waxaana uu yiri "Israel waxay siin doontaa jawaab aad u adag qof kasta oo naga gees ah."

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Ciidamada Israel uga mahadceliyay dilkii ay Talaadadii duleedka Magaalada Beirut ugu gaysteen Fu'ad Shukur, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu ka dambeeyay gantaalka 12-ka qof ku dhinteen ee Sabtidii lagu weeraray Magaalada Majdal Shams ee Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto.

Hoggaamiyaha Israel ayaa tilmaamay in uu booqday goobta uu dhibku ka dhacay, isla-markaana uu soo arkay murugada qoysaska buu yiri ay dunidoodu burburtay.

Netanyahu ayaa ciidamadiisa ku ammaanay hawlgalka xagga crika ee ay ku dileen Fu'ad Shukur, kaas oo sida uu sheegay ka mid ahaa argagixisada loogu doonista badan yahay caalamka.

Netanyahu ayaan soo hadal qaadin dilkii Arbacadii loo gaystay Ismail Haniyeh, balse waxaa uu ka dhawaajiyay in Israel ay isla Arbacadii shalay soo gaareen hanjabaado uga yimid sida uu yiri dhan walba.

Netanyahu ayaa xusay in Israel ay aragto in maalmo adag ay soo socdaan, isagoona yiri "Waxaan qiimeyn doonnaa xaaladda iyo gardarro kasta."

Netanyahu ayaa dhanka kale ku adkeystay inaanu dhageysan doonin baaqyada uga imanaya dalalka ay xulafada yihiin ee ku aaddan in dagaalka Gaza la soo afjaro. Waxa uu ku hanjabay in ay dagaalka sii wadi doonaan, inta buu yiri ay Israel hanjabaadaha la kulmeyso.

"Ma jiro hal isbuuc oo aan la igu dhihin dalka gudihiisa iyo dibaddiisa dagaalka jooji. Anigu codadkaasi horey uguma tanaasulin, maantana uma tanaasuli doono." Ayuu yiri Netanyahu oo intaasi ku daray “Waan sii wadi doonnaa dagaalka si wadajir ah, waana guuleysan doonnaa."

Raysal Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Olmert ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu ku mashquulsan yahay wax aan ahayn in la joojiyo dagaalkan, iyadoo buu yiri uu jiro cadaadis kaga imanaya gudaha iyo dibadda.

Raysal Wasaarihii hore ee Israel ayaa sheegaya in Netanyahu uu ku adkeysanayo mowqifkiisa ah inaysan qaadan doonin wax aan guul ahayn, oo ah in la wiiqo cududda militari ee Xamaas. Siyaasigan ayaa walaac ka muujiyay madax adeyga Netanyahu iyo sida ay Xamaas u tahay mid aan dagaalkan lagu jebin karin.

"Netanyahu wuxuu ku waalan yahay oraahdiisa ah awoodda ay Israel u leedahay inay gaarto guul guud, oo weligeyd aysan Xamaas ka hor imaaneyn, laakiin waxaa u furan waddo ka duwan taas." Ayuu yiri Ehud Olmert.

Olmert oo u waramayay SKY NEWS ayaa yiri "Waxaan ka baqayaa inaanan ku dhawaanin dhammaadka arrintan."

Taliska Militariga Israel ayaa horaan ku dhawaaqay inaanan mustaqbalka dhow laga adkaan doonin Ururka Xamaas ee Falastiin, iyagoona xalka u arkay in lala gaaro heshiis xabad joojin ah, ciidamadana laga soo saaro Marinka Gaza, balse ay taasi diidan yihiin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee xukuumaddiisa ka tirsan.

Xeel-dheereyaasha ayaa qaba in hanjaabaddan ka soo yeertay Netanyahu aysan joojin doonin Iran iyo ururada hubeysan ee gobolka oo ku foogan, sidii ay uga jawaabi lahaayeen dilka carrada xoogga leh abuuray ee loo gaystay Ismail Haniyeh.

Dadka ka faallooda arrimaha amniga ee Bariga Dhexe ayaa sheegay in gobolku uu ku socdo hal jiho, taas oo ah colaado galaafta nafo badan.