Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlay weerarka lagu qaaday dalka Yemen

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xalay ka hadlay duqaymaha xoogan ee ay ciidamadiisa ka gaysteen Magaalada Hudaydah ee dalkaasi Yemen.

Raysal Wasaaraha ayaa muuqaal uu soo duubay kaga hadlay duqayntii is xigxigtay ee ay Ciidanka Cirka Israel ka fuliyeen Dekedda Hudaydah.

"Weerarka Dekedda Hudaydah ayaa muujinaya in Israel ay gaari doonto cadowgeeda, meel kasta oo ay ahaataba." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

"Weerarka Israel ee Yemen wuxuu cadowgeenna u caddeynayaa in aanay jirin meel cuddada Israel aanay gaari doonin." Ayuu sii raaciyay, isaga oo ciidamada ku ammaanay inay hawlgal guuleystay ka fuliyeen meel 1,800km u jirta xuduudaha Israel.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Dekedda Hudaydah ay Xuuthiyiinta u adeegsan jireen marin ay ka helaan hubka kaga yimaada Iran, sida uu yiri.

"Dekedda Hudaydah waxay Xuuthiyiinta u isticmaali jireen inay ka soo galaan saadka hubka, wuxuuna weerarku ahaa jawaab toos ah oo ku aaddan weerarkii Jimcihii lagu soo qaaday Magaalada Tel Aviv oo lagu dilay muwaadin Israeli ah, waxay kaloo jawaab u ahayd weerarada gardarrada ah ee 8-dii bilood ee la soo dhaafay Israel uga imanayay Xuuthiyiinta." Ayuu yiri Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel.

Netanyahu ayaa yiri "Waxaan farriin u hayaa cadowga Israel, ha nagu soo khaldamin annaga. Waan ilaalin doonnaa nafteena si walba iyo goob walba. Qof kasta oo wax na yeelaa, wuxuu ku la kulmi doonnaa cawaaqib aad u daran."

Dhanka kale Netanyahu ayaa caalamka ka codsaday in meel qura lagaga soo wada jeesto Iran iyo xulafadeeda gobolka, haddii la doonayo in la arko gobolka oo ammaan ah.

"Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay u sare u qaaddo tallaabooyinka ka dhanka ah Iran iyo kuwa raacsan. Qof kasta oo raba inuu arko Bariga Dhexe oo xasilloon oo ammaan ah wuxuu u baahan yahay inuu ka soo horjeesto jihada sharka ee Iran iyo xulafadeeda ee Yemen, Gaza, Lubnaan iyo meel kasta." Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa intaasi raaciyay "Dekeddan aan weerarnay maaha deked iska caadi ah. Waxa loo adeegsanayay arrimo ciidan, waxaana loo adeegsaday meel laga soo geliyo hubka wax dila ee ay Iran siiso Xuuthiyiinta. Waxay u isticmaaleen hubkaas inay ku weeraraan Israel, dowladaha kale ee gobolka iyo inay ku weeraraan qaar ka mid ah marinada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka, sideedii bilood ee la soo dhaafay. Muddadaasi waxay Xuuthiyiinta boqolaal gantaalaha ballaastikada ah, kuwa cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku soo weerareen Israel."

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqaymaha Israel, halka 87 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadkan ayaa la sheegay inay si xun ugu gudbeen dabka ka dhashay duqaymahaasi.

Duqaymaha cirka ee Israel ayaa noqonaya weerarkii ugu horreyay ee ay Israel ku qaaddo dalka yemen, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza.

Weerarku waxa uu ku soo aadaya, iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo in colaadda Gaza ay ku baahdo guud ahaanba gobolka.