Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo sheegay inay dhageysteen tabashada reer Koonfur Galbeed

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay dhageysteen tabashada dadka reer Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalkana ay diyaar u tahay inay xaliso tabashadooda.

Wafdi uu hoggaaminayo Raysal Wasaaraha ayaa Arbacadii Magaalada Baydhabo u tegay xalinta khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhashay doonista Dowladda Federaalka ee ku saabsan in Ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan dalka, marka uu dhammaado waqtiga Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS oo ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa Baydhabo kula kulmay Madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada qaybteed, iyagoona isaga soo dhawaaday halkii ay kala joogeen.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay Dowladda Federaalka ka go'an tahay adkeynta midnimada iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan u soconay midnimo iyo dalkan oo mid ah. Dadka Soomaaliyeed oo sharaf iyo karaamo leh, wixii aan u soconin oo dhan annaga nama metelo. Annaga waxaan rabnaa jidkaas dalka in lagu hago ayaan rabnaa, jidkaas in loo socdaa rabnaa." Ayuu yiri Raysal Wasaaaraha oo xalay ka hadlayay munaasabad casho sharaf iyo sagootin isugu jirta oo wafdigiisa loogu sameeyay Baydhabo.

Mar uu ka hadlayay caqabadda amni ee dalka ka jirta ayaa wuxuu sheegay inaysan Ciidanka ATMIS dalka isaga bixi doonin, iyadoo uusan qaranku wax qorshe ah ka yeelan amniga deegaanada ay ka baxayaan.

"Meesha laga baxayo waa inaan annagu amnageeda la wareegno." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo xusay inaysan Dowladda Soomaaliyeed dayaci doonin amniga dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay diyaar u yihiin in arrintaasi ay kala shaqeeyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

"Waxaa jira qorshe ay Dowladda Federaalka leedahay markii meel laga baxo in ciidankaasi lagu bedelo ciidan kale ay tahay, waxaana ka wada shaqeynaynaa dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo ay ugu horreyso Koonfur Galbeed oo Madaxweynaheeda uu joogo, Xamar buuna noogu iman doonnaa, waana ka wada hadli doonnaa marka ay baxayaan Ciidanka ATMIS, waxa aan ku bedelayno iyo cidda amniga sugeysa." Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa reer Koonfur Galbeed ku ammaanay inay yihiin dad jecel dowladnimada, Soomaalinimada, midnimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.

"Sida ay u jecel yihiin, sida ay u daneynayaan iyo sida ay u ilaalinayaan, oo ay uga go'an tahay runtii aad bay noo farxad gelisay, waana idiinka mahadcelinayaa." Ayuu yiri Barre.

Barre ayaa ballanqaaday inaysan dowladdu ogolaan doonin in dowlado kale ay ku hardamaan dalka, wixii dowladahaasi u dhaxeeya ay yihiin wax iyagu uun khuseeya, ha yeeshee ka Somaliya ahaan ay doonayaan inay si wanaagsan ula dhaqmaan dalalka ay xiriirka leeyihiin iyo kuwa deriska, sidaasi oo kalena ay ka doonayaan in Somaliya loola dhaqmo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhankiisa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay yihiin dad jecel dowladnimada, isla-markaana ay waqti badan ku bixiyeen dowlad dhiska dalka.

Labada dhinacba midna si sax ah ugama hadlin arrinta kale ee khilaafkooda uu la xiriiro, ee ah cidda maamuleysa doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ee lagu wado inay qabsoomto bisha November, marka laga soo tago inay muujiyeen, sida ay ugu qanacsan yihiin in la isu soo dhawaado.

Wafdiga Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa la filayaa inay maanta dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho.