Raysal Wasaare Netanyahu: Iran waxay sameysay khalad weyn

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay khalad weyn sameysay, ka dib weerarkii gantaalada ay caawa ku qaadday deegaanada Israel.

"Iran waxay caawa sameysay khalad weyn." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlayay shir degdeg ah, oo weerarka ka dib ay yeesheen Golaha Amniga Israel.

"Iran waxay bixin doontaa qiimaha weerarka." Ayuu yiri Netanyahu, isaga oo aan sheegin nooca jawaabta ay ka bixin doonaan weerarkaasi.

Netanyahu ayaa ku faanay in nidaamka difaaca hawada ee Israel uu fashiliyay weerarka gantaalada ballaastikada ee Iran, oo sida uu sheegay ay ka hortaggeen.

"Maamulka Iran ma fahansana go'aankayaga ah inaan difaacno nafteenna iyo go'aankeenna ah inaan ka aargoosanayno cadowgayaga." Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa farriintiisa ku sheegay "Hoggaamiyaha Xamaas, Yahya Sinwar iyo Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif ma aysan fahmin tan. Hoggaamiyihii Xisbullah, Hassan Nasrallah iyo Abaanduulihii Xisbullah, Fuad Shukr ma aysan fahmin tan, waxaana laga yaabaa in kuwa jooga Tehran aysan fahmin tan."

Iran ayaa gantaalo fara-badan ku weerartay Israel, waxayna Tehran tani ku sheegtay mid ay ugu aargudeyso dilkii ay Israel u gaysatay Hoggaamiyeyaashii Xamaas, Xisbullah iyo Saraakiisha kale ee ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee lagu dilay qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Weerarkan ayaa noqday waxa loogu hadal haynta badan yahay Bariga Dhexe iyo dunida oo dhanba.