Ruushka iyo Mareykanka oo xoojiyay dhaqdhaqaaqyadooda Bariga Dhexe
Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa xoojiyay dhaqdhaqaaqyadooda militari ee Bariga Dhexe, iyagoo la kala safan Israel iyo Iran.
Iyadoo Iran iyo Israel ay ku sii dhawaanayaan dagaal, haddana Mareykanka iyo Ruushka ayaa la sheegaya in ay hub ku daldalayaan gobolka, taasoo sii hurin karta dabka ka shidan gobolka.
Mareykanka ayaa xeebaha Israel u soo diray maraakiibtiisa xambaara diyaaradaha dagaalka, si Israel loogu gacan siiyo in ay iska difaacdo weerar kasta oo kaga yimaada Iran.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa la sheegaya in ay qalab ciidan ka dejineyso Magaalada Tel Aviv.
Mareykanka ayaa la filayaa in ciidan xoojin ah iyo qalab dheeraad ah uu u soo diro gobolka, isagoo mudnaanta siinaya ammaanka Israel.
Sidoo kale Ruushka ayaa la sheegaya in uu Tehran geeyay nidaamka difaaca hawada, si ay ugu diyaargarowdo weerar kaga iman kara Israel oo garabsaneysa Mareykanka, kolka ay ka aargudato dilka ay Israel ku eedeysay inay dalkeeda ugu gaysatay Ismail Haniyeh, oo ahaa Hoggaamiyihii Ururka Xamaas.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa tebineysa in diyaaradaha xamuulka ee Militariga Ruushka ay hub gaarsiinayaan Dowladda Iran.
Madaxda Iran ayaa carro xoog leh ka muujiyay dilka Madaxii Siyaasadda Xamaas loogu gaystay Magaalada Tehran, iyagoo ku hanjabay in Israel ay ka shalaayi doonto xadgudubka ay ku soo sameysay dalkooda.
Ruushka ayaa toddobaadkii hore cambaareeyay dilka siyaasadeed ee Ismail Haniyeh, waxayna sheegeen inuu cawaaqib khatar ah ku yeelanayo xasilloonida gobolka.
Dhanka kale Xoghayaha Golaha Amniga Ruushka, Sergei Shoigu oo booqasho ku jooga dalka Iran ayaa la kulmay Madaxweyne Masoud Pezeshkian.
Labada dal ayaa xoojinaya iskaashigooda difaaca, xilligan oo Iran ay xurguf kala dhaxeeyo Israel iyo xulafadeeda reer galbeedka oo Mareykanku ugu horreyo.
Madaxtooyada Iran ayaa sheegtay in intii uu kulanka socday uu Madaxweyne Pezeshkian codsaday in la xoojiyo iskaashiga militari ee Tehran iyo Moscow.
Ruushka ayaa xulafo dhow la ah Iran, waana saaxiibka istiraatiijiga ah ee ay Iran leedahay.
"Madaxweyne Pezeshkian waxa kale oo uu sheegay in dhimashada dadka rayidka ah ee Gaza iyo dilkii Hoggaamiyihii Xamaas, Ismail Haniyeh ay yihiin xadgudubyo cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah." Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada.
Warka ayaa lagu sheegay "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ma dooneyso inay ballaariso dagaalka iyo xiisadda gobolka, laakiin Maamulka Sahyuuniyadda waxaa hubaal ah inay heli doonaan jawaab ku saabsan dembiyada ay gaysanayaan."
Madaxweynaha cusub ee Iran ayaa carabka ku adkeeyay in uu dhammaaday waqtigii Mareykanka iyo xulafadiisa ay dunida ku amar taagleynayeen, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.
Sergei Shoigu oo horey u soo noqday Wasiirka Difaaca Ruushka ayaa sidoo kale Caasimadda Tehran kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Admiral Ali Akbar Ahmadian, kana tirsan saraakiisha sarsare ee Ilaalada Kacaanka Iran. Waxa kaloo uu la kulmay Taliyaha Ciidamada Iran, General Mohammad Bagheri.
Xiriirka Moscow iyo Tehran ayaa xoogeystay, ka dib duulaankii Ruushka ee dalka Ukraine, iyadoona Tehran ay Moscow u daabushay gantaalada ballaastikada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dowladda Mareykanka ayaa haatan walaac ka muujineyso dhaqdhaqaaqyada Ruushka ee gobolka, sida ay ku warameyso Warbaahinta reer galbeedka.
Mareykanka ayaa bishii June sheegay in Ruushku uu u muuqdo mid xoojinaya iskaashiga dhanka difaaca ee uu la leeyahay Iran.
Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in xaaladdan ka taagan Bariga Dhexe ay tahay mid walaac leh, iyadoo Iran iyo Israel ay wacad ku mareen in midba midka kale uu weerari doono.
Washington iyo Moscow midkoodna ma doonayo in ay ku dagaalamaan Bariga Dhexe, sababtu tahay dhibaatada dhaqaale ee ay kala kulmayaan dagaalka ka soconaya Ukraine.
Dilkan siyaasadeed ee loo gaystay Ismail Haniyeh ayaa gobolka ka abuuray xiisad aan caadi ahayn.