Ruushka iyo Ukraine oo is weydaarsaday maxaabiis dagaal
Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa maanta is dhaafsaday 230 maxbuus oo dagaal ah, ka dib markii Ciidamada Ukraine ay weerar ku qaadeen Gobolka Kursk ee dalkaasi Ruushka.
Maxaabiista Ruushka ee la sii daayay ayaa lagu qabtay weerarka ay Ciidamada Ukraine 6-dii bishan ku qaadeen gobolka ku yaala galbeedka Ruushka ee Kursk.
Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in 115 askari oo Russian ah laga soo celiyay dhulka uu ka taliyo nidaamka Kyiv, halka Madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in 115 ka mid ah difaacayaashooda ay maanta dib ugu soo laabteen dalka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in mid ka mid ah hadafyada weerarka Kursk uu yahay in la qabto Ciidamada Ruushka, si ay ugu bedeshaan maxaabiistii uu Ruushku ku qabtay dagaalka Ukraine.
Ciidamada Ruushka ee la sii daayay ayaa ku sugan dalka Belarus, iyagoo halkaasi ku maraya baaritaan caafimaad, ka hor inta aysan dib ugu laaban dalkooda.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa kaga mahadcelisay Dowladda Emirate-ka Carabta doorkeeda fududeynta ee maxaabiis is dhaafsiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay doorka dhexdhexaadineed ee Abu Dhabi, taasoo ah tallaabo ay maxaabiista isku weydaarsadeen labada dhinac.
Askarta Ukraine ee dalkooda lagu soo celiyay ayaa isugu jira Ilaalada Qaranka, Ciidamada Militariga, Badda iyo Ilaalada Xuduudaha, sida uu xaqiijiyay Madaxweyne Zelensky.
"Waan xusuusanahay mid walba, waxaana raadinaynaa oo aan sameynaynaa dadaal kasta, si aan qof walba dib ugu soo celino." Ayuu yiri Zelensky.
Ukraine ayaa soo bandhigtay askarteeda la sii daayay, iyagoo qaarkood wata calanka dalkaasi, isla-markaana isugu hambalyeynaya sii deysmadooda.
Waa is dhaafsigii ugu horreyay ee dhex mara labada dhinac, tan iyo weerarkii lama filaan ahaa ee ay Ciidamada Ukraine ku dhawaad saddex toddobaad ka hor ku qaadeen dalka Ruushka.
Weerarkan ayaa noqonayo kii ugu weynaa ee ay ciidamo shisheeye ku galaan dhulka Ruushka, wixii ka dambeeyay dagaalkii 2aad ee adduunka.