Ruushka oo digniin adag u jeediyay Dowladda Ukraine
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in weerar kasta oo kaga yimaada Ukraine ay ka dhalan doonto jawaab aad u xanuun badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Ukraine uga digay inay sii waddo weerarada ay damacsan tahay inay ka gaysato dhulweynaha Ruushka.
Wasiirka ayaa sheegay in Ukraine ay la kulmi doonto jawaab aad u xanuun badan, mar kasta oo ay weerar ku soo qaaddo dalkiisa.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Arbacadii shalay ku celiyay baaqiisii ahaa in dalalka reer galbeedka ay dalkiisa soo gaarsiiyaan nidaamka difaaca hawada iyo in Kyiv loo ogolaado in gantaalahooda ay ku weerarto bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka.
Mareykanka ayaa ballanqaaday in gargaar militari oo dheeri ah ay u diri doonaan Ukraine, toddobaadyada soo socda.
Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Mareykanka uga digay inay kaftan moodaan khadka cas ee Moscow.
"Mareykanku waxa uu luminayay dareenka is hortaagga labada dhinac ee saldhigga u ahaa dheelitirka amniga ee Moscow iyo Washington, tan iyo dagaalkii qaboobaa." Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa ka falceliyay wararka sheegaya in Mareykanku uu qarka u saaran yahay in uu Ukraine siiyo gantaalaha ridada dheer ee JASSM, kuwaa oo garaaci kara hadafyada militari ee gudaha Ruushka. Madaxweyne Zelensky ayaana si weyn ugu ololeynayay, sidii gantaaladan loo keeni lahaa dalkiisa.
"Waxba la yaabi mayo, dadka Mareykanku waxay mar hore ka gudbeen marinkii ay iyagu dejiyeen. Zelensky wuu arkayaa, wuuna ka faa'iideysanayaa." Ayuu yiri Lavrov.
Lavrov oo wareysi siiyay Russian TV ayaa Mareykanka uga digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii laga soo gudbo khadka cas ee Moscow.
"Waa inay fahmaan, waxay ku kaftamayaan khadkeenna cas, khadka cas ee halkan. Waa in aanay ku kaftamin khadadkayaga cas." Ayuu yiri Lavrov.
Lavrov ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in Washington ay garaneyso, waxa uu uga la jeedo khadka cas, ayna khalad tahay, haddii ay aaminsan tahay buu yiri in dagaal kasta oo ka dhaca Ukraine aanu dhaafi doonin Yurub.
Warkiisa ayaa loo fasirtay, haddii la carqaladeeyo amniga Ruushka in Mareykankuna aanu amni sii ahaan doonin.
Moscow ayaa marar kala duwan sheegtay in ay noqon doonto khad cas oo laga soo gudbay, haddii gantaalaha ridada dheer ee reer galbeedka lagu soo weeraro dalkeeda.
Ukraine ayaa u muuqato mid maalmihii ugu dambeysay ay dadkeedu qiimo badani ku bixinayeen weerarada uu Ruushku ka wado dalkaasi, ka dib weerarkii aan horey noociisa loo arag ee ay ciidamadeeda 6-dii bishii August gudaha ugu galeen Gobolka Kursk ee dalkaasi Ruushka.
Ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya gobolka ku yaala galbeedka Ruushka ayaa wajahaya xaalad adag, markii qaar badan oo ka mid ah la laayay, qaarka kalena la go'doomiyay.
Dowladda Ukraine ayuu qorshaheedu ahaa in ay weerarkan culeys ku saarto Moscow, si ay ciidamadeeda uga la soo baxdo dhulka laga haysto Ukraine.