Ruushka oo ka digay khatarta dagaal weyn oo ka dhaca Bariga Dhexe

Aqalka Kremlin-ka Ruushka ayaa sheegay in uu ka digayo khatarta aadka u sarreyso ee ka jirta Bariga Dhexe, taas oo keeni karta dagaal aan waxba la isku reeban.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov oo maanta Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in wax aan wanaagsaneyn ay ka soo socdaan Bariga Dhexe, ka dib hawlgalkii qorsheysnaa e ay Israel ku dishay Hassan Nasrallah, Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah.

"Waxaan cambaareynaynaa dilka Nasrallah." Ayuu yiri Afhayeenka oo intaa raaciyay "Ruushku wuxuu aaminsan yahay in dilkiisu uu qalqalgeliyay Gobolka Bariga Dhexe."

Afhayeenka ayaa dhalleeceeyay weerarada aan loo meel dayin ee israel ka waddo dalka Lubnaan, kuwaa oo sida uu sheegay ay dad fara-badan oo rayid ah ku dhimanayaan.

"Duqaymaha noocan oo kale ah ee aan loo meel dayin ee meelaha la degan yahay ee Lubnaan waxay horseedayaan dhimasho aad u badan." Ayuu yiri Dmitry Peskov.

Dmitry Peskov ayaa bidhaamiyay in weerarada aan ka fiirsashada lahayn ee Israel ay keenayaan masiibo bani'aadantinimo, oo la mid ah buu yiri sida aan ku aragno Gaza.

"Weeraradan waxay horseedi doonaan masiibo bani'aadantinimo oo la mid ah sida aan ku aragno Gaza." Ayuu yiri Peskov.

Peskov oo sii hadlayay ayaa yiri "Iskama indha tiri karno cawaaqibka noocaas ah, kumana caawin karno inaan ka walaacno oo keliya."

Peskov ma sheegin tallaabada uu Ruushku qaadi karo, si loo joojiyo khasaaraha lixaadka leh ee ay gaysanayaan weerarada Israel ee sii kordhaya.

Lubnaan waa dal saaxiib la ah Ruushka, sida uu Jimcihii sheegay Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa Isniintan sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay Israel dishay 137 qof oo dad rayid ah, ku dhawaad 400 oo kalena ay dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Israel ay dishay dad kor u dhaafaya kun 1,000 qof, in ka badan 6,000 oo kalena ay dhaawacday, muddada ay weerarada ka waddo dalkaasi.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa maanta cambaareeyay duqaymaha baahsan Israel ee ka sii socdo dalkaasi.

Weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel iyo dagaalka gobolka ay ballaarineyso ayaa abuuray walaac caalami ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar sii horreysay ka digay in dagaalka dalka Lubnaan ay ku lug yeeshaan awoodaha dibadda.