Ruushka oo maalintii labaad si ba'an u garaacaya dalka Ukraine
Ruushka ayaa maalintii labaad Ukraine la beegsaday mowjado baahsan oo duqaymo ah, maalin ka dib markii mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa dagaalka ee dhanka cirka uu ku qaaday dalkaasi.
Ciidanka Cirka Ruushka iyo kuwa Badda ayaa adeegsanaya gantaalaha ballaastikada, kuwa cruise-ka iyo weliba raxan fara-badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah.
Denys Shmyhal, Raysal Wasaaraha Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu si saf mareen ah u garaacay 15 ka mid ah gobolada dalkaasi.
Ugu yaraan laba qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen, shan kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday hotel ku yaala Magaalada Kryvyi Rih ee Gobolka Dnipropetrovsk.
Gudoomiyaha Gobolka Dnipropetrovsk, Serhiy Lysak ayaa sheegay in weeraro gantaal lagu harqiyay 6 dukaan, 4 dhismayaal dhaadheer iyo 8 baabuur, kuwaa oo dhammaantood ay waxyeelo ka soo gaartay duqaymaha.
Laba qof oo kale ayaa ku dhintay weerar drones ah oo ka dhacay Magaalada Zaporizhzhia ee koonfur bari Ukraine, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Ciidanka Cirka Ruushka ayaa la sheegay in illaa xalay ay garaacayeen gobolka koonfureed ee Nikopol, isla-markaana ay xaalad adag ka jirto gobolkaasi.
Habeen hore illaa iyo xalay, lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqaymo culus oo lagu kala qaaday kala bar gobolada dalkaasi, oo ay ku jiraan Kyiv, Lviv, Kharkiv iyo Odessa.
Saraakiisha Ukraaniyiinta ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro in lagu soo weeraro hubka ballaastikada iyo gantaalaha guuxooda ka dheereeya.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadeeda ay bartilmaameedsanayaan kaabeyaasha militari ee Ukraine iyo weliba xarumaha korontada.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo si carro leh uga hadlay weeraradan ayaa ku tilmaamay mid waxashnimo ah.
Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa weerarada ka socdo dalka Ukraine ku qeexay wax laga xumaado, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Kyiv.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa cambaareeyay weerarada uu Ruushku ka gaystay kaabeyaasha rayidka.
Ruushka ayaa habeen hore bilaabay weeraradan aan caadiga ahayn, ka dib markii Ukraine ay ku hanjabtay in ay garaaci doonto Magaalooyinka Moscow iyo Saint Petersburg, iyadoo adeegsaneysa gantaalaha uu Ingiriiska siiyay ee Shadow. Gantaalaha Shadow ayaa ah nooca ridada dheer.
Ruushka ayaa ka carreysan weerarka ay Ciidamada Ukraine 6-dii bishan ku soo qaadeen Gobolka Kursk iyo hanjabaadaha isa soo taraya ee uga imanaya Maamulka Kyiv.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay Gaashaanbuurta NATO ku eedeeyay inay sii hurinayaan colaadda Ukraine, ayna u harsan tahay oo keliya in ay Ciidamada Ukraine ka soo barbar dagaalamaan. Putin ayaa ku celiyay in Ruushku uu isaga filan yahay cadowgiisa dibadda, isla-markaana aan looga guuleysan doonin dagaalka Ukraine.
Tan iyo markii Ciidamada Ukraine ay gudaha u soo galeen Gobolka Kursk ee galbeedka dalkaasi Ruushka, jawaabta Moscow ayaa ahayd mid xadidan, iyadoo dadkuna ay isweydiinayeen sababta uu Ruushku uga gaabinayo duulaanka lagu soo qaaday gudaha dalkiisa.
Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka ayaa hadda gobolkaasi ka wada guluf ay kula dagaalamayaan Ciidamada Ukraine, oo sida la sheegayo wajahayo xaalad go'doon ah.
Weerarka Ciidamada Ukraine oo ahaa mid soo booddo ah ayaa kedis ku noqday Ruushka, inkastoo markii dambe uu culeys weyn soo saaray ciidamadaasi. Saraakiisha Ruushka ayaa ka dheregsan in taageerada dhinac kastaba leh ee ay reer galbeedka la garab taagan yihiin Kyiv ay tahay midda keentay in Ukraaniyiintu ay ku soo dhiiradaan weerarkooda dhulweynaha Ruushka.
Moscow ayaa ku howlan, sidii ay u soo afjari lahayd ciidamada shisheeye ee weerarka ku soo galay dalkeeda, iyadoo aanay wax saamayn ahi ku yeelaneyn militariga ka jooga dalka Ukraine.
Moscow ayaa fahamsan khatarta ay leeyihiin ciidamadan, maadaama ay qaybtood ku hubeysan yihiin gantaalaha ridada dheer iyo diyaaradaha yaryar ee is qarxiya, kuwaa oo beegsan kara gobolada ka baxsan gobolka xadka dhaca ee Kursk.