Ruushka oo mar kale digniin ka soo saaray duulaanka Israel ee Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa ka digay gacanta adag ee ay Israel ku wajaheyso duulaankeeda Marinka Gaza, taas oo sida uu sheegay ay ka dhalan doonto cawaaqib aad u daran.
Wasiirka ayaa sheegay, inkastoo Moscow ay cambaareynayso falalka argagixisanimo, haddana waxa uu Tel Aviv uga digay in ay ku xadgudubto shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
"Inkastoo aan cambaareynayno argagixisanimada, haddana waxaan si cad uga soo horjeednaa in jawaabta aad ka bixineyso falalka argagixisanimada adiguna aad ku xadgudubto sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, oo ay ku jiraan in si aan kala sooc lahayn aad bartilmaameedyada uga gaysato goobaha la ogyahay inay dadka rayidka ah joogaan, oo qayb ka ah goobaha lagu hayo la haysteyaasha." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay diidmada Israel ee ku aaddan inaanay xilligan doonayn wada hadal ay la gasho Falastiiniyiinta iyo hanjabaadaha madaxda maamulkaasi ee ku aaddan in ay burburin doonaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.
“Hadda uma badna in labada dhinac ay soo fadhiisanayaan miiska wada hadalka, gaar ahaan Israel. Tani waxay caddeynaysaa inay fulinayaan hanjabaado badan oo ka soo yeeray hoggaanka, sida Raysal Wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Dhaqaalaha iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada, ee ah inay sii wadi doonaan falcelintooda ka dhanka ah Xamaas. Iyadoo labada dhinac ay dad badan ku waayeen dagaalka oo ajaaniib ay ku jiraan, haddana uma badna inay hadda miiska wada hadalka isugu imaanayaan." Ayuu yiri Wasiirka.
Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegay inaanan la burburin karin Xamaas, taasina ay Israel ku riixeyso inay dhibaato culus u gaysato dadka shacabka ah iyo in ay burburiso kaabeyaasha rayidka, oo ah dembi dagaal.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in duulaanka Israel ee Gaza uu horseedi karo masiibo socon karta tobanaan sano, isagoona sheegay in uu ka digayo.
"Haddii Gaza la burburiyo oo laba milyan oo qof oo degan la eryo, sida qaar ka mid ah siyaasiyiinta Israel ay soo jeedinayaan, waxay markaasi abuuri doontaa masiibo socon doonto muddo tobanaan sano ah, haddii aysanba qarniyo qaadan." Ayuu yiri Wasiir Lavrov oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Belarus ee BelTA.
Moscow ayaa ku celelisay in xalka Falastiiniyiinta iyo Israel uu ku xiran yahay in la helo laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.


